Munaasabad Hambalyo ah oo loo sameeyey Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud Bashiir Goobe oo hal darajo la dalacsiiyey (Sawirro)

0
Thursday October 13, 2016 - 14:26:55 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 3274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasabad Hambalyo ah oo loo sameeyey Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud Bashiir Goobe oo hal darajo la dalacsiiyey (Sawirro)

    Munaasabad loogu Halmbalyeynayey Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac oo hal darajo la dalacsiiyey ayaa Lagu qabtay Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyadoo ay kasoo qeyb galeyn Munaasabadda Taliye Ku xig

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad loogu Halmbalyeynayey Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac oo hal darajo la dalacsiiyey ayaa Lagu qabtay Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyadoo ay kasoo qeyb galeyn Munaasabadda Taliye Ku xiggeenada Taliyaha Asluubt, Saraakiil Ciidan iyo qaar ka mid ah Maxaabiista Xabisga dhexe ku xiran.

S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ahaa ka hor inta aan la dalcsiin S/Gaas waxa uuna iminka Noqonayaa Sargaalka ugu Sareeya Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed iyadoo Darajadaas oo kale hore uu u lahaa Alle ha u naxariistee Ex S/guud Maxamed Cali samatar.

Munaasabadda ayaa Kooxda Onkod ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed waxa ay kusoobandhigeen Suugaan iyo Riwaayado dhiirigalin u badnaa waxaana Munaasabadda ka hadlay Taliye ku xiggeenka Koowaad ee Ciidanka Asluubta S/guuto C/Kariin Cali Afrax isagoo u hambalyeeyey Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac waxa uu sheegay in uu mudan yahay Darjada la dalacsiiyey islamarkaana uu yahay Shaqsi Howlkar ah.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa gabagabada Munaasabadda ka hadlay waxaana sheegay in Ciidanka Asluubta Guul ay u tahay in Taliyahooda uu qaato Darajada ugu sareyso Ciidammada Qaranka isagoo Xusay in Ciidanka Asluubta ay hiigsanayaan Horumarro kala duwan Qorsha Taliskana uu yahay in sare loo qaado Tayada iyo Waxsoosaarka Ciidanka .

S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa hadda Noqonaya Jeneraalka ugu sareeya Ciidammada Qalabka sida iyadoo Darajada S/guud Soomaaliya horey uu u lahaa Alle ha u naxariiste Ex S/guud Maxamed Cali Samatar oo ku Geeriyooday Dalka Mareykanka .

414642713_1153927941366562_8444075_n14671150_1798649423724258_5012900703058548748_n14694608_1153928228033200_1342791840_n14556010_1153926104700079_1038493420_n14642588_1153929581366398_566191731_n14642842_1153931441366212_808732174_n14657724_1153929808033042_838590697_n14694623_1153927731366583_1815265706_n14694819_1153931188032904_1657538905_n14699828_1153927504699939_1784184987_n14741178_1153927224699967_1062368181_ndscf7174dscf7176dscf7177dscf7180dscf7181dscf7182dscf7185dscf7186dscf7188

----Dhammaad----

Xafiiska Warfaafinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Asluubta.media@gmail.com

Muqdisho-Soomaaliya





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip