Xog Aruurin Waxyaabo badan lagu soo bandhigay oo laga sameeyey Maxaabiista Xabsiga dhexe ku jirta (Sawirro)

0
Friday October 07, 2016 - 12:11:07 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1699
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xog Aruurin Waxyaabo badan lagu soo bandhigay oo laga sameeyey Maxaabiista Xabsiga dhexe ku jirta (Sawirro)

    Jaamacadda Badweynta hindiya oo kamid ah Jaamacadaha ka Howlgala Dalka Soomaaliya ayaa Xog Aruurin ku saabsan Xaaladda iyo Nolosha ay ku Noolyihiin Maxaabiista Xabsiga dhexe ku xiran ka sameysay Xabsigaasi waxaana Jaamacadda ay Xoogga saartay in ay s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jaamacadda Badweynta hindiya oo kamid ah Jaamacadaha ka Howlgala Dalka Soomaaliya ayaa Xog Aruurin ku saabsan Xaaladda iyo Nolosha ay ku Noolyihiin Maxaabiista Xabsiga dhexe ku xiran ka sameysay Xabsigaasi waxaana Jaamacadda ay Xoogga saartay in ay soo bandhigto Xaaladda dhabta ah ee ka jirta Xabsiga dhexe ee Xamar iyo in ay dhameystiran yihiin Adeegyadda la siiyo Maxaabiista ee Nolosha Aas-aaska u ah.

Mid ka mid ah Ardayda Jaamacadda Badweynta Hindiya oo lagu Magacaabo Maxamed Cabdi Muudeey ayaa waqti badan galiyey sidii uu u ogaan lahaa Maxaabiista Xabsiga dhexe ku xiran Noloshooda iyo qaabka ay ula dhaqmaan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed waxaana Xog Aruurintan ka saaciday Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Asluubta iyo mid ka mid ah Macalimiinta Jaamacadda Badweynta Hindiya iyadoo Ardaygan Taliska Ciidanka Asluubta ay u fasaxeen in uu la sheekeysto Maxaabiista Xabsiga ku xiran si uu uogaado Dareenkooda.

Waxyaabaha ku dhaliyey in uu sameeyo Xog Aruurinta ayuu Ardaygan ku sheegay Kor ukaca Tirada Maxaabiitsa ee Xabsiga Magalaada Muqdisho ku xiran waxaanaMaxamed Cabdi Muudeey oo ah Argayga Xog Aruurintan sameeyey  yiri:-

Habka xog-uruurintaan waxey aheyd su’aalo weydiin sababta aan u doortayna waxay aheyd in ay tahay sida ugu fiican ee an ku heli karay xogta aan u baahnaa,

Intii aan ku gudo jiray xog uruurinta waxaan booqaday xafiiska xeer ilaalinta, xarunta taliska asluubta iyo xabsiga dhexe oo aan ka soo uruuriyay xogteeda .

Dadkii aan wareystay 56.2% waxey ahayeen rag, halka 43.8% ay ahayeen dumar.

Su’aalahii aan weydiyay waxaa ka mid ahaa:

1.Ma loo bahan-yahay in la hor mariyo maamulka iyo sharciyada xabsiga dhexe si loo xakameeyo cadadka maxaabista iyo amaanka xabsiga?

78.8% waxa ay ku jawabeen haa waa loo bahan-yahay in la hor mariyo maamulka iyo sharciyada si loo xakameeyo cadadka iyo amaanka xabsiga halka 21.2% ay ku jawabeen maya looma baahno

  1. Ma haystaan maxaabista daryeel fiican oo deegan ah sida caafimaadka, dharka, cunatada, cabitaanka iyo jimicsiga.

92% waxey ku jawabeen haa waxa ay heystaan daryeel fiican, halka 8% ay ku jawabeen maya ma heystaan wax daryeel fiican .

  1. Maxaabiista buux dhaafisay xabisga dhexe xalinteeda ma tahay tilaabada ugu horeysa ee laga rabo in dowlada ay qaado .

33.8% waxa ayku jawabeen haa waa tilaabada ugu horeyso ee laga rabo in dowlada ay qaado, halka 48.8% ay ku jawabeen maya maha tilaabada ugu horeesa.

Inta aan ku gudo jiray xog-uruurintaan waxaan soo ogaaday

In kooxo kubada cagta ciyaaro ay ka dhisanyahiin xabsiga dhexe

In ay jirto shaqooyin ay qabtaan maxaabiista xirfadlayaasha ah qaarka aan xirfada laheyna la baro Farsamada gacanta iyo Waxbarashada Heerarka kala duwan sida Mid Hoose,dhexe,sare iyo Jaamacad oo ay ku qaadanayaan Gudaha Xabsiga dhexe ee Xamar.

Sidoo kale Qololka Maxaabiista ay ku xiran yihiin waxaa ku jiray Talefashino iyo Qaboojiyaal iyadoo ay ku jiifeen Sariiro iyo Joodariyaal fiican.

Waxaan talo ku soo jeedin lahaa:

In saro loo qaado daryeelka maxaabista

In maxaabiista loo sameeyo dhaqan-celin buuxda

In xabsi kale laga dhiso magaalada banaankeeda



36-113508856_516307201886358_2591065057414182838_n13516202_516307145219697_3335194333934356788_nbashiir-goobe-xabsi-cunto-4bashiir-goobe-xabsi-cunto-2

Idaacadda Ciidammada Qalabka sida ee Soomaaliyeed 

Muqdisho-Soomaaliya 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip