Ciidammada Danab oo Dilay Horjoogayaal Muhiim ah (Dhageyso)

0
Wednesday September 28, 2016 - 10:56:04 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ciidammada Danab oo Dilay Horjoogayaal Muhiim ah (Dhageyso)

    Mareykanka, ayaa faah faahin ka bixiyay duqayn dhinaca cir ah oo 26-kii bishan ka dhacday deegaanka Gaanjoroon, oo 90km dhinaca waqooyi kaga toosan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mareykanka, ayaa faah faahin ka bixiyay duqayn dhinaca cir ah oo 26-kii bishan ka dhacday deegaanka Gaanjoroon, oo 90km dhinaca waqooyi kaga toosan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika, ayaa War Saxaafadeed ku sheegay in duqayntaasi ay ahayd mid is difaacid ah, ka dib markii ay ,Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Alshabaab  soo weerareen goob ay ku sugnaayen Ciidamada Dowladda Somaliya iyo la taliye-yaal Mareykan ah, oo ku sugnaa bannaanka Gaanjoroon

War Saxaafadeedka, ayaa waxaa lagu sheegay in duqayntaasi lagu dilay afar ka mid ah Horjoogayaasha Argagixisada Al Shabaab, kuwaa oo uu ka mid ahaa Bashiir Cali Jaamac (Bashiir Dheere) waxaana Weerarkan fuliyey Ciidammada sida Gaar ah u tababran ee Danab.

Mareykanka, ayaa sheegay in Bashiir Dheere uu ahaan jiray Taliye Ku Xigeenka Kooxda  Al Shabaab ee Gobolka Jubbada Hoose.

Halkaan ka dhageyso warbixinta oo uu diyaariyey C/raxmaan Maxamed Gacan.

Idaacadda Ciidammada Qalabka sida 

Muqdisho-Soomaaliya 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip