Jeneraal Saxardiid "Ciidanka ayaa biyo u dhaaminaya dadka ku nool deegaanka C/lle Biroole"

0
Wednesday September 28, 2016 - 10:15:08 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1728
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jeneraal Saxardiid "Ciidanka ayaa biyo u dhaaminaya dadka ku nool deegaanka C/lle Biroole"

    Taliyaha ciidanka XDS qeybta Jubbooyinka Jeneraal Ismaaciil Saxardiid ayaa kormeeray deegaanno hoos yimaada magaalada Kismaayo oo dhawaan laga xoreeyay maleeshiyaadka Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha ciidanka XDS qeybta Jubbooyinka Jeneraal Ismaaciil Saxardiid ayaa kormeeray deegaanno hoos yimaada magaalada Kismaayo oo dhawaan laga xoreeyay maleeshiyaadka Shabaab.

Jenaraal Saxardiid ayaa soo indha indheeyay xaaladda nololeed ee dadka ku nool deegaannadaasi, iyo waxyaabaha ay u baahanyihiin, isagoo ku soo wareegay deegaanka C/lle Biroole iyo deegaanno kale oo dhawaan laga faramaroojiyay maleeshiyaadka Shabaab.

Dhanka kale Jemeraal Saxardiid ayaa ka dalbaday hey’adaha gargaarka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya iney gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadka ku dhibaateeysan deegaannadaasi.

Wuxuu intaasi ku daray in dadka ku nool deegaannadaasi ay muddo dheer ku soo jireen dhibaatooyin ay ku hayeen maleeshiyaadka Shabaab, isagoo tilmaamay in hadda ay u baahanyihiin dhamaan adeegyadii lagama maarmaanka u ahaa nolosha bani’aadamka.



Somali National Army Radio

Mugadisho-Somalia 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip