Taliyaha Ciidanka Asluubta oo la kulmay Madaxa Ciidanka Asluubta iyo Xeer ilaaliyaha Germany (Sawirro)

0
Friday September 23, 2016 - 13:37:55 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1728
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Asluubta oo la kulmay Madaxa Ciidanka Asluubta iyo Xeer ilaaliyaha Germany (Sawirro)

    Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Maxamed Jaamac oo Booqasho shaqo ku jooga Dalka Genmany ayaa waxa uu kulamo la qaatay Masuuliyiin ka tirsan Dowladaasi waxaana ugu horeyn uu la kulmay Xeer ilaaliyaha Dalka Germany iyagoo kawada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Maxamed Jaamac oo Booqasho shaqo ku jooga Dalka Genmany ayaa waxa uu kulamo la qaatay Masuuliyiin ka tirsan Dowladaasi waxaana ugu horeyn uu la kulmay Xeer ilaaliyaha Dalka Germany iyagoo kawada hadlay sidii ay iskaashi u yeelan lahaayeen iyadoo Xeer ilaaliyaha Germany uu balan qaaday in Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ay ka caawin doonaan dhismaha iyo qalabeynta Ciidanka.
sidoo kale Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa la kulmay Madaxa Ciidanka Asluubta Genmany iyagoo wada qaatay kulan dheer waxaana ay isla lafa gureen sidii loo soo celin lahaa xiriirkii qota dheeraa ee ka dhaxeeyey labadaasi Ciidan waana ay isla meel dhigeen.

 
S/gaas Bashiir Maxamed Jaamac Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa Booqday Xabsiga ugu Casrisan Dalkaasi ee ku yaala Magaaladda Frankfurt isagoo soo kormeeray Qeybaha Xabsiga uu ka kooban yahay.


 
Taliyaha ayaa Xabsiga HiTech Prison ee Frankfurt waxaa kusoo dhaweeyey Taliyaha Xabsigaasi waxaana kulan ay wada qaateen ay uga wada hadleen sidii ay u yeelan lahaayeen iskaashi dhex mara labada dhinac iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Dhismaha Xabsiyada Dalkeena oo iminka si dar dar leh isbadal horumarineed ay uga socdaan.

 
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa intii uu ku sugnaa Xabsiga frankfurt waxa uu la kulmay Dhalinyaro Soomaali ah oo Xabsigaasi ku xiran waxaana uu ka wareystay sida ay tahay Noloshooda isagoona ka waaniyey hadii Xoriyadooda dib u helaan in aysan ku laaban Waxyaabihii lagu xiray.

 
"Waxan la kulanay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Germany, si fiican ayuuna noo qaabilay, wuxuuna ballan qaaday xiriir iyo iskaashi wanaagsan in uu nala yeelan doonno sidoo kale Waxaa la kulanay Madaxa Ciidanka Asluubta ee Dowladda , Germany, waxaana ka wada hadalnay soo celinta xiriirkii iskaashi ee Ciidanka Asluubta Soomaliya iyo Germany waxay noo muujiyeen soo dhoweyn iyo inay nagala shaqeyn doonaan Horumarka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed” Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed


14455721_595754370585196_2109541328_o14455721_595754370585196_2109541328_o (1)14393236_595755257251774_333511411_o

–Dhammaad–

Xafiiska Warfaafinta Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip