Midowga Afrika oo ballanqaaday bixinta mushaaraadka ciidamada AMISOM

0
Saturday September 17, 2016 - 11:27:55 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 938
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Afrika oo ballanqaaday bixinta mushaaraadka ciidamada AMISOM

    Madax ka tirsan Midowga Afrika ayay balan qaaday in ay bixin doonaan Mushaarka ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madax ka tirsan Midowga Afrika ayay balan qaaday in ay bixin doonaan Mushaarka ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Waxa ay sheegeen in ay ciidanka AMISOM la kulmayaan dhibaatooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin dhanka mushaarka.

Dhawaan warbixin cusub oo ku saabsaneyd ciidanka Midowga Afrika AMISOM ayaa lagu shaaciyay in aysan Mushaar qaadan ciidanka AMISOM Muddo dhowr bilood ah.

Guddiga xiriirka howlgallada Militari ee Ururka Midowga Afrika ayaa sidoo kale sheegay in ay laba jibaari doonaan dalalka Caalamka taageerada ay siiyaan ciidanka Midowga Afrika AMISOM.

Guddiga xiriirka howlgallada Militari ee Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in ay ka go’antahay in ay ciidamada AMISOM ay ka taageeraan dhinacyo badan si ay u xaqiijiyaan amniga doorashooyinka lagu wado in ay ka dhacaan Soomaaliya bilaha fooda nagu soo haya.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in ay rajeynaayaan in ciidanka AMISOM ay si weyn uga qeyb qaataan sugidda amniga goobaha ay ka dhacaayaan doorashooyinka Soomaaliya.

 

Idaacadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed 
Muqdisho-Soomaaliya 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip