Horjogayaal lagu Dilay J/Hoose (Dhageyso)

0
Saturday September 17, 2016 - 11:16:07 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Horjogayaal lagu Dilay J/Hoose (Dhageyso)

    Ciidanka dowladda Kenya ee qeyb ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa shaaciyay in ay todobaadkaan ay dileen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka dowladda Kenya ee qeyb ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa shaaciyay in ay todobaadkaan ay dileen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

War kasoo baxay ciidanka dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in ay dileen 33 dagaalame oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab howlagal ka dhacay gobolka Jubbada Hoose.

Howgalka koowaad ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Goobweyn oo ku dhow magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaana halkaasi lagu dilay 25 maleeshiyaad, sida lagu sheegay war kasoo baxay ciidanka dowladda Kenya.

Sidoo kale ciidanka dowladda Kenya ayaa sheegay in howgal ka fuliyeen deegaanka Wirkooy ay ku dileen tiro ka tirsan Al-shabaab.

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in dadka la dilay ay ku jiraan Madaxdii Al-Shabaab u qabilsanaa dhanka Farsamada 3 Ka mid ah.

Halkaan ka dhageyso Warbixinta oo uu diyaariye C/raxmaan Maxamed Gacan 



Idaacadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed

Muqdisho-Soomaaliya 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip