Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay maleeshiyaad Argagixisadda katirsan

0
Saturday September 17, 2016 - 11:04:04 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1089
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay maleeshiyaad Argagixisadda katirsan

    Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya gaar ahaan qeybta Lixdanaad, ayaa xukuntay maleeshiyaad katirsan kooxda Daacish, oo dhawaan lagu qabtay magaalada baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya gaar ahaan qeybta Lixdanaad, ayaa xukuntay maleeshiyaad katirsan kooxda Daacish, oo dhawaan lagu qabtay magaalada baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Maleeshiyada la xukumay ayaa gaaraya ilaa iyo afar ruux waxaana lagu kala magacaabaa, 1-C/Casiis Xasan Mursal oo lagu eedeeyey in kooxda Daacish ay usoo wakiilatay magaalada Baydhabo, si uu uga fuliyo falalka guracan ee kooxdaasi.


2-Mahad Nuur Siidow oo isna lagu sheegay inuu yahay ninka kooxda daacish ay wakiilka uga dhigatay in Baydhabo uu ka fuliyo qaraxyada, isagoo la tilmaamay in uu awood u leeyahay in gacantiisa uu ku sameeyo waxyaabaha qarxa.



Labada kale ee maleeshiyaad ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Sheakh Maxamed iyo Cali Maxamed Gaabow oo lagu eedeeyey in labaduba ay u xilsaarnaayeen fulinta dilalka qorsheysan ee kooxda Daacish ay ku talo gashay iney ka sameyso magaalada baydhabo.


Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta Lixdanaad Gaashaanle Aadan Abuukar Maxamed ayaa ku dhawaaqay xukun ah min toban sano oo xabsi ciidan ah, oo maleeshiyaadkaasi ay wajahayaan, maadama lagu helay dambiyadii lagu soo eedeeyey.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa fasaxday ilaa iyo sadex ruux oo kale oo lagu eedeeyey iney xiriir la lahaayeen maleeshiyada katirsan kooxda daacish, balse baaritaan kadib la ogaaday inaaney ku lug laheyn falkaasi.


Ciidamada amaanka maamulka K/galbeed dalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay soo qabtaan maleeshiyada katirsan kooxda Daacish ee loo soo wakiishay in ay dhibaateeyaan shacabka kunool magaalada baydhabo ee xarunta gobolka baay.


Idaacadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyed

Muqdisho-Soomaaliya 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip