Horjooge Maxamed Xasan, oo lagu Dilay Gobolka Shabellaha Hoose

0
Friday September 16, 2016 - 13:02:00 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horjooge Maxamed Xasan, oo lagu Dilay Gobolka Shabellaha Hoose

    Howlgal qorsheeysan oo ay wadajir u fuliyeen ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM ayaa lagu dilay Horjoogihii Maleeshiyada alshabaab ee dagmada Aa-dheegle ee gobalka Shabeellaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgal qorsheeysan oo ay wadajir u fuliyeen ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM ayaa lagu dilay Horjoogihii Maleeshiyada alshabaab ee dagmada Aa-dheegle ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka oo dhacay  Xalay oo Arbaco aheyd ayaa Ciidamada weerar Qorsheysan ka fuliyeen degmada Aaw-dheegle Maxamed Xasan, iyagoo sidoo kale soo furtay hub iyo sahnad ciidan oo ay lahaayeen kooxda al-shabaab.

Afhayeenka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, Jeo Kibet oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa xaqiijayay in howlgalkaasi oo xalay dhacay lagu dilay horjoogihii Kooxda al shabaab Maxamed Xasan, sidoo kalana Ciidamadu ay gacanta ku dhigeen hub ay lahaayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Col Kibet, oo SONNA ay wax ka weydiisay Qasaaraha soo gaaray ciidamada wadajirka ah ee howlgalka fulay ayaa ka gaabsaday in uu bixiyo faahfaahin intaas kabadan, balse hoosta ka xarriiqay in howlgalkaasi uu dhamaaday sidii loogu talagay.

Degmada Aaw-dheegle ee Gobalka Shabeellaha hoose ayaa Qiyaastii 75Km dhinaca Galeed ka xigta magaalada Muqdisho, waana deegaan caan ku ah dhinaca wax soo saarka tacbashada beeraha.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip