Gaari laga Soo Buuxiye Waxyaabaha qaraxa oo Gacanta lagu Dhigay

0
Friday September 16, 2016 - 12:57:05 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 995
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaari laga Soo Buuxiye Waxyaabaha qaraxa oo Gacanta lagu Dhigay

    Ciidamada ammaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen Muqdisho ku soo qabtay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la doonayay in lagu dhibaateeyo bulshada Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada ammaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen Muqdisho ku soo qabtay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la doonayay in lagu dhibaateeyo bulshada Soomaaliyeed.

Hawlgal ay Ciidamada ammaanka ka sameeyeen Xaafadda Cali Kamiin, oo ka tirsan Degmada Warta Nabadda ee Gobolkan Banaadiry, ayay kusoo qabteen Gaari uu noociisu yahay Kaarib oo laga buuxiyay Qaraxyo, waxanay Ciidamada gaarka ah ee Miina baarka ku guuleysteen inay kala furaan Qaraxyadii saarnaa Gaariga.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, C/fitaax Cumar Xalane, oo saxaafadda kula hadlay goobta lagu qabtay gaarigaasi,ayaa ku ammaanay ciidamada sida geesinimada leh ee ay uga hortageen una fashiliyeen Qaraxaasi lagu soo xiray gaariga.

Xalane, ayaa sheegay in gaarigan lagu soo qabtay howlgallo baahsan oo ay ciidamada ammaanku habeen iyo maalinba ka wadaan Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyagoo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip