Xaasaska Maleeshiyada Alshabaab ee Kismaayo ku nool oo la Musaafurinayo

0
Thursday September 15, 2016 - 16:45:19 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1667
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaasaska Maleeshiyada Alshabaab ee Kismaayo ku nool oo la Musaafurinayo

    Afhayeenka Nabad-Sugidda Jubbaland, Axmed Maxamuud Maxamed (Axmed Carab) oo Saxaafadda kula hadlay Magaaladda Kismaayo ayaa ka warbixiyay Howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Jubbaland oo kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka ay qaadeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka Nabad-Sugidda Jubbaland, Axmed Maxamuud Maxamed (Axmed Carab) oo Saxaafadda kula hadlay Magaaladda Kismaayo ayaa ka warbixiyay Howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Jubbaland oo kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka ay qaadeen.

Axmed Carab ayaa sheegay iney Ciidamadu guulo la taaban karo kasoo hooyeen duullaamadii ugu dambeeyay dhulka badan lagala wareegay Kooxda Argagixisada ah ee  Al-shabaab, isagoo tilmaamay markii laga itaal roonaaday iney billaabeen waxyeelleynta Shacabka.

Afhayeenka ayaa soo hadal qaaday Qaraxii dhawaan lagula eegtay gaariga rakaabka ahaa agagaarka Magaalada, kaasoo uu ku tilmaamay iney ka mid tahay falalka naf la caarinimo ee cadawga Al-shabaab.

Wuxuu sidoo kale Axmed Carab sheegay iney gabbaad iyo garab ka helaan Xaasaska Magaaladda Kismaayo u jooga Nabad diidka  Al-shabaab isla maraakan ay musaafurin doonaan, si uu ugu yaraado dhibta ay bulshada ku hayaan.

"Annaga iyo adinka heshiis ma nihin, col baa na dhexyaalla, dil baan naga dhexeeyo, inta raggiina ay duurka ku jiraan oo ay cadow ku yihiin Jubaland naguma dhax jiraysaan ee intaan la idin soo raadinin magaalada isaga baxa”

Jubbaland ayaa Sanad ka hor sidan oo kale u musaafurisay Lixdameeyo ka tirsan Xaasaska Horjoogayaasha Kooxda  Al-shabaab oo ku sugnaa magaalada Kismaayo, markaas oo wixii xilligaa ka dambeeyay ay magaaladu noqotay mid xasilloon.



Idaacadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed 
Muqdisho-Soomaaliya 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip