Booliska oo baaraya Haween fal Argagixiso loo heysto

0
Thursday September 15, 2016 - 13:49:55 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 971
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska oo baaraya Haween fal Argagixiso loo heysto

    Mombasa-Kenya-(SNA)-Maxkamad ku taalla magaala xeebeedka Mombaasa ee Dalka Kenya ayaa ammartay in baaris xagga caafimaadka Maskaxda ah la mariyo, Saddex Haween ah oo lagaga shakiyay iney ku lug lahaayeen weerar Axaddii aynu ka soo gudubnay ka dhacay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mombasa-Kenya-(SNA)-Maxkamad ku taalla magaala xeebeedka Mombaasa ee Dalka Kenya ayaa ammartay in baaris xagga caafimaadka Maskaxda ah la mariyo, Saddex Haween ah oo lagaga shakiyay iney ku lug lahaayeen weerar Axaddii aynu ka soo gudubnay ka dhacay Saldhig Boolis oo ku yaalla Mombasa.

Maxkamadda ayaa maalintii Shalay ahayd sheegtay, iney muhiim tahay in la caawiyo Haweenkan haddii ay ka liitaan xagga Caafimaadka, markii ay Laba ka mid ihi ku doodeen inuu maqalkooda liito, kuwaasoo lagu wareeray xogtooda dhabta ah.

Baarayaasha Haweenkan, ayaa sheegay iney saddexdan tuhmane haysteen Kaararka Qaxootiyada, sidaasna ay Dalka ku joogeen,iyagoo qariyayTasmin Yacquub Abdullahi Farah, oo ka yimmid soomaliya,kaasoo la rumeysan yahay inuu si toos ah ugu lug lahaa weerarkii Axaddii ka dhacay Saldhigga dhexe ee Boliiska Mombasa.

Garsooraha Maxkamadda Emmanuel Mutunga, ayaa faray in Nimco Mohamed Ali, Saciida Ali Hajji, iyo Shukri Ali Xaaji, in lagu war geliyo iney sii xirnaan doonaan kaas muddo Shan cisho oo dheeraad ah, si loo dhammays tiro baaritaanka xagga Maskaxda ah oo ay wadaan Boliiska Mombasa.

Haweenkan, oo sidoo kale aan la sheegin da’dooda iyo halka ay asal ahaan ka yimmaaddeen, ayaa loogu tuhun qabaa iney gacan saar la leeyihiin Kooxaha Argagixisada ee ka dagaallanta qaybo ka mida waddamada Gobolka.

Xigasho;The Standard

Idaacadda Ciidamadda Qalabka sida ee Soomaaliyeed
Muqdisho-Soomaaliya 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip