Madaxweynaha oo si weyn Jowhar loogu soo dhaweeyey

0
Thursday September 15, 2016 - 13:44:19 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 931
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo si weyn Jowhar loogu soo dhaweeyey

    Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhoweyd gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe, isagoo halkaas ka furi doona wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhoweyd gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe, isagoo halkaas ka furi doona wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ee gogashiisu taalo magaalada Jowhar.

Taliyaha Ciidanka Booliska Saldhiga Jowhar Maxamed Siyaad Canjeex oo la hadlay Idaacadda Ciidamada Qalabka sida  ayaa sheegaya in madaxweynaha uu hadda ka degay garoonka duyuuradaha ee magaaladaas isla markaana si weyn halkaas ay ugu soo dhaweeyeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka Shabeelaha dhexe gaar ahaan magaalada Jowhar.

Ergada ka qeybgalaysa shirka ayaa waxaa ay ku soo aruureen hoolka shirka loogu talagalay, iyadoo sidoo kale, ammaanka magaalada Jowhar si weyn loo adkeeyay isla markaana ciidmada amniga ee dowladda Soomaaliya sida booliis, nabad sugid iyo militiri oo kaashanaya AMISOM ay xaqiijinayaan amniga magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe.



Idaacadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed

Muqdisho-Soomaaliya 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip