Hanaanka Sugida Amaanka Muqdisho oo isbadal lagu sameeyey

0
Thursday September 15, 2016 - 13:36:45 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 2683
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hanaanka Sugida Amaanka Muqdisho oo isbadal lagu sameeyey

    Taliyaha hay'adda nabad sugidda ee gobolka Banaadir oo ka hadlay, sida hay'adaha ammaanka dawlada Soomaaliya ay u xajiiyeen amniga Caasimadda, maadaama ay marti-galisay shir madaxeedkii madaxda wadamada ku bohoobay urur goboleedka IGAD uga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha hay'adda nabad sugidda ee gobolka Banaadir oo ka hadlay, sida hay'adaha ammaanka dawlada Soomaaliya ay u xajiiyeen amniga Caasimadda, maadaama ay marti-galisay shir madaxeedkii madaxda wadamada ku bohoobay urur goboleedka IGAD uga qabsoomay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Cabdixakiim Farey, oo ah taliyaha nabad sugidda ee gobolka Banaadir oo la hadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka sida ayaa tilmaamay in wax weyn laga badalay ammaanka caasimadda maalmahii la soo dhaafay, isagoo sheegay in dawladdu ay ku guulaysatay sugidda amnigahogaamiyayaasha wadamada ku bohoobay urur goboleedka "IGAD” oo mudda 30- sano ah ka dib lagu qabtay shir madaxeedkii 28 ee urur goboleedka IGAD.

Taliyaha ayaa intaa Ku daray in tan iyo mudadii uu socday shirka ayaan jirin wax dhacdooyin ah oo carqaladeyneya ammaanka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

"Ciidamadu waxay xireen wadooyinka iyo goobaha kale ee Muhiimka u ah caasimada Waxay talaabadaasi daliil u tahay, awooda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ay u leeyihiin hanashada ammaanka dalkooda, isagoo aan ku tiirsanayn gacan shisheeye, waxaa meesha ka baxay shakigii beesha caalamka ay ka muujinayeen Soomaaliya ee ahaa inaan shirar heer caalami ah oo noocaan oo kala ah lagu qaban karin gudaha dalka” ayuu taliye Farey.

Taliyaha ayaa sidoo kale, ku Amaanay wada shaqeyntii dhexmartay ciidamada iyo shacabka isagoo ku bogaadiyey in ciidamada iyo shacabka oo wada shaqeeya uu dalkeena ku gaari karo isku filnaansho amni.

"Waa Talaabo ay horay u qaadeen ciidamada amniga dawladda iyagoo taageero ka helaya shacabkooda taasna ay kalsooni galisay in shacabka Soomaaliyeed ay Aamineen in horumarka ay dawladdu gaartay,” ayuu markale yiri taliyaha NISA ee gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa gacanta ku soo dhigay intii hawlgalada ay socdeen tira dad ah oo lala xariirinayo inay Ka tirsanyihiin argagixisada Al-shabaab .



Idaacadda Ciidamada Qalabka sida 

Muqdisho-Soomaaliya 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip