Generaal Cali Baashi iyo Taliyaha Amisom oo Gaaray Cadaado

0
Thursday September 08, 2016 - 14:37:05 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 965
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Generaal Cali Baashi iyo Taliyaha Amisom oo Gaaray Cadaado

    Abaanduullaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Taliyaha Howlgalka Amisom Soomaaliya ayaa Maanta Gaaray Magaalada Cadaado Xarunta Ku Meel Gaarka Maamulka Galmudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abaanduullaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Taliyaha Howlgalka Amisom Soomaaliya ayaa Maanta Gaaray Magaalada Cadaado Xarunta Ku Meel Gaarka Maamulka Galmudug.

Markii ay Gaareen Magaalada Cadaado waxaa Xarunta Madaxtooyada kusoo dhaweeye Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug iyo Xubno Wasiiro ah

Abaanduullaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Guuto Cali Baashi Xaaji Maxamed oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in Ujeedka ee Maanta Cadaado u gaareen ay tahay in Maamulka Galmudug kala Hadlayeen Howlgal ka dhan Ah Nabadiidka Al-Shabaab looga saaro degaanada Maamulka Galmudug

Safarka labada masuul ,ayaa sidoo kale wuxuu salka ku hayaa  abaabulka iyo xoojinta Guutada 11aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed qaybtiisa ka hawl gasha Gobollada Mudug iyo Galgaduud, si guluf xooggan looga qaado haraadiga Kooxda Al-shabaab.

Golaha wasiirrada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay inay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Afrika oo is kaashanaya Dalka Ka xoreyn doonaan malleeshiyada Al-shabaab, maaddaama dhawaan lagu wado iney dalka ka qabsoomaan doorashooyinka dadban.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip