Mareykanka oo sheegay in duqeyntii Toora-Toorow ka dhacday in lagu dilay Madaxii Amniyaadka Al-shabaab

0
Thursday September 08, 2016 - 12:08:10 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 814
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo sheegay in duqeyntii Toora-Toorow ka dhacday in lagu dilay Madaxii Amniyaadka Al-shabaab

    Ciidamada Militiriga ee Dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay dileen afar kamid ah maleeshiyaadka ururka Al-shabaab kadib howlgal ay ka sameeyeen Deegaanka Tooratoorow ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Militiriga ee Dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay dileen afar kamid ah maleeshiyaadka ururka Al-shabaab kadib howlgal ay ka sameeyeen Deegaanka Tooratoorow ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Afhayeen Taliska Dhexe ee Mareykanka ee Afrika Captain Jennifer oo la hadlay waakarada wararka Shinwa ayaa sheegtay in duqeyn maalintii Isniintii ka dhacday deegaanka Toora-Toorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay afar Horjooge oo ka tirsan Nabadiidka Al-Shabaab

Captain Jennifer Dyrcs ayaa sheegtay in howl galkan ay qeyb ka ahaayeen Ciidamo Soomaali ah, isla markaana ay bartilmaameedsadeen Maleyshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo Xiriir la leh Ururka Alqacida.

Waxa uu sheegay  in intii uu socday howl galka ay Ciidamada si wada jir ah u galeen Guriga Duqeynta ka dhacday kuna dileen afar Horjooge

Afahyeenka Taliska Dhexe ee Mareykanka ee Afrika Captain Jennifer ayaa wakaalada wararka Shinwa u sheegay in Howlgalka in ay ku dileen Madaxii Amniyaadka Al-shabaab ee Degmada Qoryooley

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo Ciidamo Mareykan ah ayaa muddooyinkii u dambeeyay howl gallo wada jir ah ka fuliyay deegaano ka tirsan Gobolada Koofureed.

Waaxda difaaca ee Mareykanka ayaa bishii May ee la soo dhaafay duqeyn ku dishay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaasoo

lagu magacaabayay C/llaahi Xaaji Daa’uud oo ahaa maskaxda dejineysay weerarada Somalia, Kenya iyo Uganda.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip