Bud Bud oo qasaarihii ugu Badnaa Al-shabaab lagu gaarsiiye

0
Wednesday September 07, 2016 - 13:22:33 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bud Bud oo qasaarihii ugu Badnaa Al-shabaab lagu gaarsiiye

    Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed ee Gobolka Galguduud S/Guuto Axmed Maxamed Maxamuud Tareedishe ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaalkii xalay ka dhacay Deegaanka Bud-bud oo ka tirsan Degmada Ceeldheer ee Gobolkaasdi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed ee Gobolka Galguduud S/Guuto Axmed Maxamed Maxamuud Tareedishe ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaalkii xalay ka dhacay Deegaanka Bud-bud oo ka tirsan Degmada Ceeldheer ee Gobolkaasdi.

Taliyaha ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in xalay ay kooxda Al-shabaab xabbado madfac ku soo tureen Saldhigga Ciidanka, balse loo jawaabay,isdagoo xusay in halkaasi ay ku dileen 8 ruux oo ka tirsan Ururka Alshabaab, islmarkaana ay ka qabsadeen qorigii madfaca ahaa ay xabbada ka soo tuurayaan.

Taliye Tareedishe waxa uu hadallo been ah oo sal iyo raadba lahayn ku tilmaamay wararka sheegaya in saldhigga ay ka baxeen, isagoo tibaaxay in ay haatanba ku sugan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed iyo kuwa nabad ilaalinta ee AMISOM, wuxuuna ugu dambayntii tilmaamay waxa xalay ka dhacay Budbud uusan ahayn dagaal wayn.



S/Guuto axmed Tareedishe waxa uu ku tilmaamay wixii xalay dhacay inay ahaayeen oo kaliye dhallinyaro tiro yar oo ka tirsan Alshabaab oo xabbado ku soo tuuray Ciidamada Xoogga iyo kuwa AMISOM, isagoo intaasi raaciyay in ay jawaab deg deg ah ka bixiyeen ayna kala wareegeen Qorigii ay wax ka soo ridayeen, islamarkaana ku dileen tiro dhowr ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip