Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo kismaayo kusoo dhaweeyay Wakiilka Qaramada Midoowe u fadhiya Soomaaliya

0
Monday August 22, 2016 - 14:53:13 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 859
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo kismaayo kusoo dhaweeyay Wakiilka Qaramada Midoowe u fadhiya Soomaaliya

    Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbalanad iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa saaka si wadajir ah saxaafada ugula hadlay aqalka martida ee Magaalada Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbalanad iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa saaka si wadajir ah saxaafada ugula hadlay aqalka martida ee Magaalada Kismaayo.

Axmed Maxamed Islaam madaxweynaha Jubbaland iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Micahael Keating ayaa waxaa ay ka wadahadleen arimo ay kamid tahay doorashooyinka dhowaan dalka ka qabsoomi doona iyo amniga deegaanada Jubbaland.

Michael Keating ayaa xalay ku hoyday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose, taas oo hadda fadhi u ah maamulka Jubbaland.

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in maamulka Jubbaland oo sameeyay horumar la taaban karo, isagoo sheegay in magaalada Kismaayo laga dareemayo horumar balaaran.

Dowlada federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah ayuu xusay in ay kaalmo la garab taagan yihiin waxaana uu xusay in dhinacyada Soomaalidu ay ku daydaan Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa dhankiisa sheegay in mudada uu halkan joogay Michael Keating ay ka wadahadleen arrimo badan oo dhinaca ammaanka ay si gaar ah diirada u saareen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip