Al-shabaab oo laga Saaray Degaanka Buulo Xaawo ee Gobolka Baay

0
Monday August 22, 2016 - 13:55:41 in Wararka by
  • Visits: 1278
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabaab oo laga Saaray Degaanka Buulo Xaawo ee Gobolka Baay

    Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maleyshiyada Nabadiidka Al-shabaab kala wareegay Degaanka Buulo-Xaawo oo u Taala inta u dhaxeya Degmada Bardaale iyo Qansax-dheere ee Gobolka Baay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maleyshiyada Nabadiidka Al-shabaab kala wareegay Degaanka Buulo-Xaawo oo u Taala inta u dhaxeya Degmada Bardaale iyo Qansax-dheere ee Gobolka Baay.

Degaanka Buulo-Xaawo ee Gobolka Baay ayaa ah Degaan Maleyshiyada kooxda Al-shabaab ku dhibaateen jireen Dadka shacabka iyagoona Ciidamada Marka ay gaareen Degaanka ay dadka shacabka bilaaweenin in ay dhigaan Dibad Bax ay ku tagerayeen Ciidamada Xoogga Dalka oo ka saaray Cadowga Al-shabaab



Taliye ku Xigeenka Ciidanka Booliska Gaarka ah Ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Kornel Maxamed Isaaq Cari Case ayaa sheegay in Dagaalka ka dhacay Degaanka Buulo-Xaawo Al-shabaab loogu dilay ku dhawaad 15 Maleyshiyaad ah halka looga gubay 2 Gaadiid oo ah kuwa Dagaalka


‘’’Dagaalkii Saakay ka dhacay Degaanka Buulo Xaawo waxaa si wada jir ah u qaaday Howlgalka Ciidamada Xoogga Dalka iyo Kuwa Daraawiishta Koonfurgalbeed Soomaaliya waxaana halkaasi Cadowga ugu Dilay ku dhawaad 15 dhagar qabe 2 gaadiid kuwa Dagaalka ayaan ku gubnay Dadka degaanka si Wacan ayay inoo soo dhaweeyeen’’’Ayuu Yiri  Taliye Maxamed Isaaq.


Kornel Maxamed Isaaq Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gaarka ah Ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in uu sii socondoono Howlgalada lagula Dagaalamayo Haraadiga Al-shabaab


Maleyshiyada Al-shabaab ayaa hada wajahaya Dagaalka 4 geesood ah oo kaga imaanaya Ciidamada Dowlada Soomaaliya Amisom Ciidamada Dowlad Goboleedyada Dalka Ka jira iyo Shacabka Soomaaliyeed oo Meel ugu wada soo jeestay xasuuqa iyo Falalka Guracan Ay Maleyshiyada Al-shabaab usoo maleegaan Dadka shacabka iyadoona Al-shabaab intaasi u dheertay kala shaki kala soo dhax galay Horjoogayaasha Al-shabaab waxayna Hada Dareemayaan Dhaqaale yari kaga imaneysa Xaga Maamulka Maleyshiyada Al-shabaab

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip