Horjooge ka Tirsan Al-shabaab oo isku dhiibay Maamulka Gobolka shabellaha Dhaxe'''Dhageyso''

0
Monday August 22, 2016 - 13:24:05 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 992
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horjooge ka Tirsan Al-shabaab oo isku dhiibay Maamulka Gobolka shabellaha Dhaxe'''Dhageyso''

    Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka shabellaha dhaxe waxaa lagu soo Bandhigay Horjooge ka Tirsanaa Maleyshiyada Al-shabaab islamarkaana kasoo goostay Goobta lagu soo bandhigayay Horjogahaan waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan Ciidamada qalabka sida S

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka shabellaha dhaxe waxaa lagu soo Bandhigay Horjooge ka Tirsanaa Maleyshiyada Al-shabaab islamarkaana kasoo goostay Goobta lagu soo bandhigayay Horjogahaan waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan Ciidamada qalabka sida Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Shaballaha Dhaxe.

Ugu horeentii waxaa warbaahinta la hadlay horjogihii kasoo goostay Maleyshiyada Kooxda Al-shabaab islamarkaana kasoo laabtay fikirkii qaladaanaa Maleyshiyada Al-shabaab isagoona Dowlada iyo shacabka soomaaliyeed weydiistay Cafis

Taliyaha Hurinta Sadaxaad ee ururka laba iyo tobonaad  guutada Labaad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya  Cali Xuubeey ayaa Tilmaamay in Horjoogahaan uu dhowr jeer lasoo Xiriiray islamarkaana kawada hadlay inuu kasoo goosto Maleyshiyada Al-shabaab oo ah Koox caadeysatay daadinta dhiiga umada soomaaliyeed

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Taliyaha hay ada Nabad Sugida Gobolka Shabellaha Dhaxe C/Khaadir C/laahi Xaayow waxa uuna sheegay in Horjogahaan la geydoono Goobaaha Dhalinyarada iyo horjogayaasha Al-shabaab kasoo Goosta lagu dhaqan celiyo

Ciidamada Dowlada fadareelka soomaaliya ayaa hore Gacanta kusoo dhigay Maleyshiyaad iyo horjogayaal ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab islamarkaana kuwa kale ay Howlgalo qorsheysan ay ku dileen Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya waxaana hada ay Kooxda Maleyshiyada Al-shabaab soo wajahaya Dhibaatooyin badan oo ay ugu horeyso dhaqaalo yari iyo howlgalo qorsheysan oo ay fulinayaan Ciidamada kumaandooska Danab

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip