Horjogayaal ka Tirsan Al-shabaab iyo Daacish oo Gacanta ku dhigeen Ciidamada Puntland

0
Sunday August 21, 2016 - 14:30:27 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 914
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horjogayaal ka Tirsan Al-shabaab iyo Daacish oo Gacanta ku dhigeen Ciidamada Puntland

    Ciidamada Amaanka Ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Gacanta kusoo Horjogayaal ka Tirsan Maleyshiyada Al-shabaab iyo Daacish kuwaasoo ka dagaalami jiray Buuraha Galgala iyo Calmadow, iyadoo saddexdan xubnood loo soo bandhigan warbaahinta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Amaanka Ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Gacanta kusoo Horjogayaal ka Tirsan Maleyshiyada Al-shabaab iyo Daacish kuwaasoo ka dagaalami jiray Buuraha Galgala iyo Calmadow, iyadoo saddexdan xubnood loo soo bandhigan warbaahinta.

Hojogayaashaan ka tirsan Al-shabaab iyo Daaciish ayaa lagu kala Magacabaa Muuse Aadan Maxamed oo loo yaqaanay (Gaal-Dile), Maxamed  Axmed Aadan C/llaahi Aw Cabdi oo loo yaqaano Shaafici iyo C/llaahi Ibraahim.

Horjooge Muuse Aadan Maxamed oo loo yaqaano Gaal-Dile ayaa ka mid ahaa Horjogayaasha Maleyshiyada Al-Shabaab ee Gobolada Koofureed, waxaa laga qabtay garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso.

Muuse Aadan ayaa sheegay inuu Mar hore ka tagay Maleyshiyada Kooxda Al-shabaab  isla markaana uu diyaarad ka soo raacay Muqdisho, isagoo xusay inuu ka cabsi qabay in la ogaado oo la dilo markii uu ka soo baxsanayay Al-Shabaab.

Axmed aadan C/llaahi Aw-Cabdi ayaa sheegay in muddo afar sano uu ka tirsanaa Al-Shabaab, markii dambena uu ku biiray Daacish, isagoo ka mid ahaa muddo sagaal bilood uu ka bar bar dagaalamayay Daacish

Sidoo kale ninka saddexaad oo lagu magacaabo C/llaahi Ibraahim ayaa sheegay inuu ka howl geli jiray Buuraha Calmadow ee Gobolka Sanaag, isla markaana uu Daacish ka soo goostay 15 cisho ka hor.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip