Puntland oo lagu wareejiyay Gaadiid Ciidan+Sawirro

0
Sunday August 21, 2016 - 13:33:53 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 948
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo lagu wareejiyay Gaadiid Ciidan+Sawirro

    Afartaan Gaari ayaa waxaa Maalgelisey Hay'adda SSF isla markaana waxaa fulinaysey Hay'adda DDG waxaana loogu deeqay baabuurtaan Afarta degmo ee kala ah Xarfo, Godob Jiiraan, Dan-gorayo iyo Isku shuban iyadoona loogu talo galay in looga shaq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afartaan Gaari ayaa waxaa Maalgelisey Hay'adda SSF isla markaana waxaa fulinaysey Hay'adda DDG waxaana loogu deeqay baabuurtaan Afarta degmo ee kala ah Xarfo, Godob Jiiraan, Dan-gorayo iyo Isku shuban iyadoona loogu talo galay in looga shaqeeyo arrimaha nabad-gelyada ee deegaanadaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa kaddib markii uu ka guddoomey hay’addaasi gaadiidka ay dawladda guddoonsiisey waxa uu uga mahadceliyey sida wanaagsan ee ay dawladda ugala shaqaynayso dhinacyada kala duwan ee ay ka mid yihiin sugidda nabad-gelyada, barnaamijka ileyska cad-ceedda ku shaqeeya ee laga hirgeliyey magaalooyinka Puntland iyo ceelal biyoodyo laga hirgeliyey deegaanada laamiga ka baxsan.

kusimaha Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in gaadiidkaani ay qayb weyn ka qaadan doonaan dadaalka ay puntland ugu jiro sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka guud ahaan magaalooyinka Puntland isla markaana ay meesha ka saari doonto baahiyihii ay degmooyinkaasi ka qabeen dhinacyada xabsiyada iyo soo qabashada dembiilayaasha.

Ugu dambayn kusimaha Madaxweynaha ayaa gaadiidkaasi waxa uu ku wareejiyey Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Puntland Jaamac Saxar-diid si uu taliyuhu ugu sii wareejiyo gaadiidkaasi Taliyayaasha qaybaha ee gobollada kala duwan ee ayka  kala dirsan yihiin degmooyinkaasi.

p1p2p3p4p5p6p7





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip