Horjooge Ka Tirsan Nabadiidka Al-shabaab oo lagu qabtay Baardheere

0
Sunday August 21, 2016 - 13:24:09 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1020
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horjooge Ka Tirsan Nabadiidka Al-shabaab oo lagu qabtay Baardheere

    Maamulka degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegay in ay qabteen madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada degmada Baardheere.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegay in ay qabteen madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada degmada Baardheere.

Taliyaha Amniga degmada Baardheere Col. Xuseen Cumar Xasan oo la hadlay  warbaahinta ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Madaxii Al-Shabaab u qabilsanaa sameynta Qaraxyada degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Ninka la qabtay ayaa la sheegay in uu Qarax ka geystay degmada Baardheere, ka dibna howlgal ay sameeyeen ciidamada amaanka ay ku soo qabteen,islamarkaa  uu ku jirto gacanta maamulka Baardheere.

"Col. Xuseen Cumar Xasan ayaa sheegay in ninkaasi uu ka tirsanaa kooxda nabad diidka ee Al-shabaab una qaabilsanaa qaraxyada,balse hada waxuu ku jira gacanta ciidanka amaanka,waxaana la marsiin doonaa sharciga” sidaas waxaa yiri Col Xuseen  Cumar Xasan.

Taliyaha ayaa u mahadceliyay shacabka ku dhaqan degmada baardheere ee gobolka gedo,shacabka la’aantood nooma suura gasheen in aan qabano dhagar qabahaan,shacabkana waxuu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidanka amaanka.

Dadka deegaanka ayaa soo dhaweeyay qabashada hor-joogahaan ku howlanaa baa bi’inta shacabka degmada baardheere.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip