Taliyaha Hogaanka Canshuuraha ee Ciidanka Booliiska oo ka Tacsiyeeyay Geerida Marxuum Maxamed Cali Samatar

0
Saturday August 20, 2016 - 15:30:52 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 2474
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Hogaanka Canshuuraha ee Ciidanka Booliiska oo ka Tacsiyeeyay Geerida Marxuum Maxamed Cali Samatar

    Taliyaha hogaanka ilaalinta canshuuraha ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jenaraal Cabdulaahi Xasan Bariise oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Sareeyo Guud Maxamed Cali Samatar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha hogaanka ilaalinta canshuuraha ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jenaraal Cabdulaahi Xasan Bariise oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Sareeyo Guud Maxamed Cali Samatar

oo darajada ugu sareeysa ciidanka Soomaaliya ka gaaray, isagoo u rajeeyay in Naxariistee Jano uu Eebbe siiyo dadka Soomaaliyeed uu samir iyo imaan Allaha ka siiyo geeridaasi naxdinta laheyd ee ku timid marxuumka.

Jeneraal Cabdullaahi Xasan Bariisea ayaa sheegay in lagu xusuusto Allaha u Naxariistee Maxamed Cali Samatar in hormuud uu ahaa in Ciidamada Soomaaliya ay gaaraan in ay noqdaan libaaxyada Africa oo cudud iyo awood ahaanba meel heerkoodu ay sareyso ay gaaraan dunidana ay ka tilmaanaadaan.

Jeneraal Bariise oo sii hadlay ayaa dul istaagay in Marxuum Maxamed Cali Samatar uu dadka Soomaaliyeed uu uga tagay taariikh muhiim ah, loona baahanyahay in dadka Soomaaliyeed gaar ahaan saraakiisha ciidamada iyo mas’uuliyiinta Soomaaliyeed in ay ku daydaan Sareeyo Guud Maxamed Cali Samatar si ay uga tagaan taariikh iyo waxqabad lagu xusuusto oo la mid ah midka Allaha u naxariistee Marxuum Samatar.

Allaha u naxariistee S/Guud Maxamed Cali Samatar wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ciidamada Soomaaliyeed ee ugu horeeyay ee dibadda wax barasho u aada, markay soo noqdeena iyagu dhisay ciidamadii Qaranka,




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip