Wasiir Diini'''Maxamed Cali Samatar waxa uu ahaa Aas Asihii Ciidanka Xoogga Dalka'''

0
Saturday August 20, 2016 - 14:26:10 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1060
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Diini'''Maxamed Cali Samatar waxa uu ahaa Aas Asihii Ciidanka Xoogga Dalka'''

    Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa dhambaal tacsi ah u direy qoyska, ehelka iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistii S/Guud Maxamed Cali Samatar oo xalay ku geeriyooday dalka Marey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa dhambaal tacsi ah u direy qoyska, ehelka iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistii S/Guud Maxamed Cali Samatar oo xalay ku geeriyooday dalka Mareykanka, wuxuna Wasiirku ku tilmaamay marxuumka hoggaamiye door weyn ka soo qaatay dhismaha Ciidanka qalabka sida.

Wasiirku waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno geeyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Soomaaliyeed ee uu ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

"Inna Lillaahi Wa innaa Ileyhi Raajicuun… Allah u naxariisto marxuum S/guud Maxamed Cali Samatar. Wuxuu  ahaa muwaadin naftiisa iyo waqtigiisa u huray inuu u shaqeeyo ummaddiisa, gaar ahaan waxaan ku xasuusan doonaa kaalintii uu ku lahaa dhismaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo kamid ahaa muwaadiniintii waqtigooda galiyey Soomaaliya in ay yeelato Ciidan leh awood iyo karti, difaaci karana dalkooda hooyo. Ilaahay waxaan uga baryayaa inuu Naxariistii Jannatul Fardowsa ka Waraabiyo, qoyskii iyo ehelladii uu ka tegeyna Samir iyo iimaan ka siiyo.”ayuu yiri Wasiir Diini.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip