Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geeridi ku timid S/guud Maxamed Cali Samatar

0
Saturday August 20, 2016 - 10:57:41 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 938
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geeridi ku timid S/guud Maxamed Cali Samatar

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u direy qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah ha u naxariistee marxuum S/Guud Maxamed Cali Samatar oo xilal kala duwan xukuumaddii meleteriga aheyd.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u direy qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah ha u naxariistee marxuum S/Guud Maxamed Cali Samatar oo xilal kala duwan xukuumaddii meleteriga aheyd.

Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Cali Samatar oo dalka ka soo noqdey Madaxweyne Ku-Xigeen 1-aad, Ra’iisul Wasaare, iyo Wasiirka Gaashaandhigga, ayaa xalay ku geeriyooday gobolka Virginia ee dalka Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa marxuumka ku tilmaamey inuu ahaa shakhsi waddankiisa wax badan oo waxtar leh u soo qabtey.

"Innaa Lillaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaceyga, iyo kan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaan tiiraanyada la wadaagayaa qoyska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed geeridan ku timid S/Guud Maxamed Cali Samatar. Waxaa uu ahaa waddani kaalin weyn ka qaatey dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo waagaas noqdey kuwa ugu firfircoon uguna tayo wanaagsan Afrika’’.

Madaxweynaha ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip