Diyaarado Dagaal Oo Duqeyn Ka Geystay Duleedka Degmada Saakow Ea Gobolka Jubbada Dhexe

0
Thursday August 11, 2016 - 18:02:25 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 985
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarado Dagaal Oo Duqeyn Ka Geystay Duleedka Degmada Saakow Ea Gobolka Jubbada Dhexe

    Wararka hoose ee aanu ka heleyno Gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay xalay saqdii dhexe duqeymo la beegsadeen guri ku yaalla duleedka degmada Saakoow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka hoose ee aanu ka heleyno Gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay xalay saqdii dhexe duqeymo la beegsadeen guri ku yaalla duleedka degmada Saakoow.

Guriga la weeraray ayaa la sheegay iney ku sugnaayeen horjoogayaal ka tirsan maleeshiayada Kooxda UGUS oo inta badan gobolka Jubbada Dhexe gacanta ku haya.Hase yeeshee ma jiro faahfaahino kale oo la xiriira weerarka loo adeegsaday gantaalada diyaaradaha dagaalka xambaara ee lagu qaaday degmada Saakow.

Balse si rasmi ah looma shaacin qasaaraha ka dhashay  weerarka lagu qaaday guriga ay bar-tilmaameedsadeen diyaaradaha dagaalka oo dhisma ahaan ku yaal duleedka magaalada Saakow, waxaana la jaray isgaarsiinta qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Jubbada Dhexe.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Kooxda UGUS ee la xiriira duqeynta loo geystey guriga ay kulanka ku la haayeen hor-joogayaasha ka tirsan maleeshiyada Kooxda UGUS.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip