Ciidamada Kumaandoosta X.D.S Oo Howl gal Qorsheysan Ka Fuliyay Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug.''Dhageyso''

0
Thursday August 11, 2016 - 15:27:31 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 915
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Kumaandoosta X.D.S Oo Howl gal Qorsheysan Ka Fuliyay Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug.''Dhageyso''

    Ciidamada Kumaandoosta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howl gal qorsheysan ka fuliyay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, howl galkan ayaa lagu soo qabtay shan ruux oo uu ku jiro horjeege ka tirsan Kooxda UGUS.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Kumaandoosta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howl gal qorsheysan ka fuliyay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, howl galkan ayaa lagu soo qabtay shan ruux oo uu ku jiro horjeege ka tirsan Kooxda UGUS.

Howl galka ayaa ka dhacay mid ka mid ah xaafadaha waqooyiga Magaalada Gaalkacyo kadib markii Ciidamada Kumaandoosta ay heleen xogta ku aadan halka ay kaga suganaayeen magaaladada Gaal-kacyo waxaana u suura gashay Ciidamada Danab iney weeraraan guriga ay kaga sugnaayeen magaaladaasi waxeyna halkaasi ku soo qabteen shan ruux oo uu ku jiro horjeege Ajnabi ah oo ka tirsan Kooxda UGUS.

Horjoogahan ayaa magaciisa lagu sheegay Saciid C/llaahi Abuubakar Al-Suudaani, waxa uu maleeshiyada Kooxda UGUS u qaabilsanaa sameynta qaraxyada.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Cali Baashi Xaaji Maxmed ayaa sheegay in howl galkan uu ahaa mid Qorsheysan uuna ku soo dgaba-gaboobay sidii loogu tala galay, isla markaana Ciidamada ay ku guuleysteen bartilmaameedkooda.

Howlgalka ayaa qeyb ka ah howlgallada kala duwan oo ay Ciidamada Kummaandoosta Xoogga Dalka Soomaaliya ay ka wadaan qaar ka mid ah Goballada Dalka Soomaaliya.

.

kumaandos2kumandos1kumandos3kumaandoosUntitled



 

 

 

 

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip