Kumaandooska Soomaaliya oo Gacanta ku dhigay Horjooge shabaab ah oo kasoo jeedo Suudaan

0
Wednesday August 10, 2016 - 18:18:12 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 826
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kumaandooska Soomaaliya oo Gacanta ku dhigay Horjooge shabaab ah oo kasoo jeedo Suudaan

    Ciidamada sida Gaarka ah ee u tababaran Danab ayaa howlgallo ka fuliyay Magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada sida Gaarka ah ee u tababaran Danab ayaa howlgallo ka fuliyay Magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Howlgalkaan oo ahaa mid qorsheysan ayaa Ciidamada waxa ay ku dileen Maleyshiyaad iyo hor jogayaal ka Tirsan Maleyshiyada Nabadiidka Al-shabaab oo halkaasi ku sugnaa


Abaanduullaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Guuto Cali Baashi Xaaji Maxamed oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka sida ayaa tilmaamay in howlgalka ee si wadajir isaga Kaashadeen Ciidamada Sida Gaarka u tababaran ee Danab iyo Ciidamo gaar ah oo loo tababaray Dowlad Gobaleedka Puntland, lagu qabqabtay illaa Shan ka mid ah maleeshiyaadka Al-shabaab oo uu ku jiro horjeegihii Kooxdaasi u qaabilsanaa dhinaca qaraxyada.



Sidoo kale Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa waxa uu intaasi ku daray in howlgalka lagu bur buriyay Saldhigyo al-shabaab ay ku lahayeen Degaano hoos yimaada Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug


horjoogaha la qabtay ayuu Abaandullaha Ciidanka Xoogga Dalka waxa uu ku sheegay Magaciisa ku sheegay Nin lagu magacaabo Abuubakar "Al Suudanā€¯, oo u dhashay Suudaan, iyo Afar kale oo maleeshiyaadka alshabaab ka tirsan islamarkaana hal guri kawada daganaa magaalada Gaalkacyo.


Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa hore Gobolada Dalka ka fuliyay Howlgalo lagu dilay Maleyshiyaadka Al-shabaab halka kuwa kalene gacanta ku dhigay 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip