Madaxweyne Xasan Sheikh oo Ciidamada XDS iyo Amisom faray Howlgal ka dhan ah Al-shabaab in ee Bilaawaan+Sawiro

0
Sunday August 07, 2016 - 09:18:01 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 761
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheikh oo Ciidamada XDS iyo Amisom faray Howlgal ka dhan ah Al-shabaab in ee Bilaawaan+Sawiro

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud, ayaa Caawa Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kulan Casho Sharaf ah ugu sammeeyay Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud, ayaa Caawa Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kulan Casho Sharaf ah ugu sammeeyay Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.

Kulanka ayaa Waxaa goobjoog ahaa Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Safiirada dalalka Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud oo kulanka Cashada ah kadib hadal dardaaran u jeediyay Saraakiisha Ciidamada, ayaa faray in la xoojiyo howlgalka kadhanka ah Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab.

Mudane Xasan Sh Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada xoogga dalka iyo AMISOM ay sugaan ammaanka Goobaha ay doorashada ka dhici doonto, si looga hortago iskuday kasta oo kooxaha argagixisadu ku doonayaan in ay ku carqaladeeyaan Ammaanka goobaha loo qorsheeyay in doorashadu ay ka dhacdo.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday shirka Bisha Septembar ay martigalindoonto Soomaaliya, kaas oo uu Mudane Xasan Sh Maxamuud Xusay in lagu qiimeyn doono Xaaladda Ammaanka iyo isabadalka dhinaca hormarka ee ay ku tallaabsatay Soomaaliya.

IMG_3375IMG_3415IMG_3412IMG_3411IMG_3409IMG_3408IMG_3404IMG_3403IMG_3402IMG_3386IMG_3382IMG_3379





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip