Madaxweyne Xasan Sheikh oo Dhiiragalin u sameeyay Ciyaartooyda Somaliya u matalaya Olombikada Rio

0
Monday August 01, 2016 - 15:51:12 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 870
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheikh oo Dhiiragalin u sameeyay Ciyaartooyda Somaliya u matalaya Olombikada Rio

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay ciyaartooyda xulka Qaranka Soomaaliyeed oo ka qeybgalaya tartanka Olimbi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay ciyaartooyda xulka Qaranka Soomaaliyeed oo ka qeybgalaya tartanka Olimbikada adduunka ee RIO De Generia 2016-ka oo lagu qaban doono Dalka Brazil.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiira-geliyey islamarkaana guddoonsiiyey Calanka Soomaaliya ciyaariyahanada  Maxamed Daa’uud Maxamed iyo Maryam Nuux Muuse oo ka qeyb galaya tartarnka RIO 2016-ka gaar ahaan ciyaaraha fudud.

"Mar ka hore waxaa  guul inoo ah oo muhiimadeedana leh inaan maanta ka qeybgaleyno tartankaasi, waxaan aad iyo aad ugu kalsoonahay inaad guul ka soo hoyn doontaan ciyaaraha Olimbikada  adduunka ee RIO 2016-ka gaar ahaan kuwa fudud oo aad ka qeybgaleysaan. Dowladda Soomaaliya diyaar ayay la tahay wax walba oo idin fududeynaya inaad ku guuleysataan tartarnka, sidoo kale xirriirka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed garabkiina ayey taagan yihiin” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambayntii u rajeeyey ciyaaryahanada oo maalinta berrito ah u ambabaxi doona Dalka Brazil inay guul ka soo hoyn doonaan tartarnka , wuxuuna u ballan-qaaday in dib u soo laabashadooda loo sameyn doono soo dhaweyn ballaaran.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip