Xarunta Taliska Ciidanka Cirka oo la Dhagax Dhigay+Sawirro

0
Monday August 01, 2016 - 15:31:10 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1441
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarunta Taliska Ciidanka Cirka oo la Dhagax Dhigay+Sawirro

    Xerada Ciidamada Cirka oo ah halka lagu Aas Asay Ciidamada Cirka islamarkaana uu ku howlgalay Wasiirkii ugu horeeyay ee Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Taliyihii ugu Horeeye Ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xerada Ciidamada Cirka oo ah halka lagu Aas Asay Ciidamada Cirka islamarkaana uu ku howlgalay Wasiirkii ugu horeeyay ee Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Taliyihii ugu Horeeye Ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Ganacsato Soomaaliyeed ayaa iskaga kaashanaya Dhismaha Xaruntaan Waxaana Maanta Si wada Jir ah u Dhagax dhigay Xarunta Ciidamada Cirka Taliyaasha Ciidamada Asluubta Soomaaliya Bada iyo Taliyaha Ciidanka Cirka.

Taliyaha Ciidanka Cirka S/Guuto Maxamuud Sh Cali Dable Baylood ayaa ka sheekeyay Xaruntaan Muhiimada ee ugu fadhiso umada Soomaaliyeed islamarkaana Bulshada looga Baahan yahay in ee ka qeyb qaataan Dhismaha Xarunta

‘’Munaasabadaan waxa ay ku aadan tahay Dib u dhiska ama dib usoo Celinta Xaruntii Hore ee Ciidanka Xoogga Dalka soomaaliya ama Wasaaradii Hore Difaaca Soomaaliya Meeshaan Hada Dhagax dhigeyno waxa ee eheed meshii lagu aas asay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Waxaana ku howlgalay Wasiirkii Hore ee Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Taliyihii ugu horeeyay Ciidanka Xoogga Dalka Xeradaan Waxa ee Eheed Xerada Ciidanka Cirka Markii Xoogga Dalka Soomaaliya la aas asay’’

S/Guuto Maxamuud Sh Cali Dable Baylood ayaa sheegay dhaqaalaha ku baxaya Dhisamaha ee gacan ka geysanayaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Ganacsato Soomaaliyeed Isagoona inta wax heysata ugu Baaqay in ee ka qeyb qaataan Dhisamaha Xerada

‘’’Dhaqaalaha ku baxayo dhismahaan waxaa Gacan naga siiyay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Ganacsato Soomaaliyeed waana u mahad celineynaa kuwa kale wax heesta waxaan ugu baqayaa in ee nagu caawiyaan dhismaha Xaruntaan’’’

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe ayaa Tilmaamay in Ciidanka Asluubta Soomaaliya uu qalabeydoono Xafiisyadaan Cusub markii uu dhamaado Dhismaha Xarunta

‘’’Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliya waxa ee ugu qeyb qaadaneysaa qalabeyta Xafiisyada cusub markii uu dhamaado dhismaha ‘’’

Xerada Ciidanka Cirka oo ah halka lagu aas asay ciidanka Xoogga Dalka soomaaliya ayaa ku bur burtay dagaaladii sokeeyay ee dalka ka dhacay

vlcsnap-2016-08-01-14h51m08s156

vlcsnap-2016-08-01-14h51m14s436

vlcsnap-2016-08-01-14h51m22s026

vlcsnap-2016-08-01-14h51m25s890

vlcsnap-2016-08-01-14h51m35s138

vlcsnap-2016-08-01-14h51m41s799

vlcsnap-2016-08-01-14h51m49s924

vlcsnap-2016-08-01-14h52m01s820

vlcsnap-2016-08-01-14h52m13s706

vlcsnap-2016-08-01-14h52m25s365





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip