Dhageyso:-Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo xukuno kala duwan Riday

0
Monday August 01, 2016 - 11:49:29 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 932
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo xukuno kala duwan Riday

    xukunka dilka ah oo ay maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ay ku riday labo ruux oo ka tirsanaa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa ka dambeysay markii racfaan ay ka soo qaateen xukun horey maxkamadda darajada koowaad ee c

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

xukunka dilka ah oo ay maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ay ku riday labo ruux oo ka tirsanaa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa ka dambeysay markii racfaan ay ka soo qaateen xukun horey maxkamadda darajada koowaad ee cidamada ay ugu xukuntay kaas oo maxkamadda sarena ay ku raacday go'aankaas.

Labada nin ee la xukumay ayaa kala ah; Axmed Cabdi Maadeey iyo Xuseen C/laahi Cumar oo Khayre loo yaqaano, kuwaas oo xafiiska xeer ilaalinta ee ciidamada qalabka sida ay ku soo oogtay dacwad ah in ay geysteen fal dambiyeed dil ah.

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa 13/03/2016 waxaa ay, Ale Booliis Axmed Cabdi Maadeey  ku xukuntay in uu bixiyo 100 halaad oo ah diyadii Marxuum Maxamed Cali Cabdalla, kadib markii maxkamaddu ku heshay in uu isaga diley.

Sidoo kale, Xuseen C/laahi Cumar ayaa maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida waxaa ay ku xukuntay dil toogasho ah kadib markii lagu heley in uu ka dambeeyay dilka Saciid Nuur Shire oo ka tirsanaa ciidanka qalabka sida, xukunkaas oo dhacay 16/05/2016, waxayna maxkamadda sare ee CQS ku raacday xukunkaas horey.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip