Al-shabaab oo Laga Saaray Degaanka Garasweyne ee Bakool

0
Sunday July 31, 2016 - 13:08:36 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1022
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabaab oo Laga Saaray Degaanka Garasweyne ee Bakool

    Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Itoobiya ka socda ayaa dib ula wareegay deegaanka Garasweyne ee Gobolka Bakool, kadib markii todobaadkii hore ay la wareegeen Maleyshiyada Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Itoobiya ka socda ayaa dib ula wareegay deegaanka Garasweyne ee Gobolka Bakool, kadib markii todobaadkii hore ay la wareegeen Maleyshiyada Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka howl gallo ay ka sameeyeen deegaanka Garasweyne ay ku dileen Horjooge sare oo ka tirsan Al-Shabaab

Waxaa uu sheegay in dagaalka uu ahaa mid xooggan, isla markaana ay iskaashanayeen Ciidamada dowladda, kuwa Daraawiishta Maamulka Koofur Galbeed iyo Ciidamada AMISOM.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howl galo laga sameeyay deegaano dhowr ah oo uu sheegay in Al-Shabaab dhibaatooyin ku hayeen.

Deegaanka Garasweyne oo 50KM u jira degmada Xudur ayaa waxaa saldhig u aheyd  Ciidamada Itoobiya, kuwaasoo todobaadkii hore isaga baxay, waxaana la wareegay Al-Shabaab.

Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM ayaa maalmihii la soo dhaafay baneeyay fariisimo dhowr ah oo ay ku lahaayeen Gobolka Bakool.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip