Ciidamada Amniga oo Howlgalo kusoo qabtay hub iyo sanad Ciidan ka sameeye Muqdisho

0
Sunday July 31, 2016 - 13:04:07 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 998
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Amniga oo Howlgalo kusoo qabtay hub iyo sanad Ciidan ka sameeye Muqdisho

    Howlgal dad lagu soo qabqabtay oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada qalabka sida ayaa xalay laga fuliyay qeybo ka mid ah degmada Warta nabadda ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgal dad lagu soo qabqabtay oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada qalabka sida ayaa xalay laga fuliyay qeybo ka mid ah degmada Warta nabadda ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha C/kaamil Macalin Shukri ayaa sheegay in howl galkan ahaa mid qorsheysan oo laamaha ammaanka ay heysteen warbixino, isagoo xusay in lagu soo qabtay 160, ruux oo markii dambe la sii daayay, markii baaritaano la mariyay

"Howl galkan wadajirka ah waxaa sameeyay Ciidamada Booliska, Nabadsugida, Milateriga, Asluubta iyo Ciidamada AMISOM, waxaa uu ka dhacay degmada Warta Nabada, agagaarka xeradii curyaamiinta ee ku dhow Xaafada Xamar Bile, halkaas waxaa lagu soo qabtay 160 ruux, balse waa la sii daayay, markii baaritaano la mariyay, sidoo kale garaash ku dhow halkaas ayaa laga soo qabtay saddex baabuur oo ay saarnaayeen hub, labo qori AK47, tuutaha ciidanka, rasaasta bastoolad iyo xashiishadā€¯ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga.

Howl galkan ayaa qeyb ka ah qorshayaasha lagu xaqiijinayo ammaanka si caasimada dalka ee Muqdisho looga dhiggo meel nabada oo caaggam falal argagixiso wax kastoo liddi ku ah ammaanka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip