Ciidamadda Amaanka oo Toogtay Kooxdii soo weerartay CID -da Muqdisho +Faafaahino

0
Sunday July 31, 2016 - 12:39:16 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 743
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamadda Amaanka oo Toogtay Kooxdii soo weerartay CID -da Muqdisho +Faafaahino

    Inta la ogyahay sagaal-ruux oo afar kamid ah ay yihiin raggii weerarka soo qaaday ayaa dhintay 15-kalena wey ku dhaawacmeen, kadib markii maleeshiyaad katirsan Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen xarunta dambi baarista ee CID, oo ku taala Isgoyska Km4

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta la ogyahay sagaal-ruux oo afar kamid ah ay yihiin raggii weerarka soo qaaday ayaa dhintay 15-kalena wey ku dhaawacmeen, kadib markii maleeshiyaad katirsan Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen xarunta dambi baarista ee CID, oo ku taala Isgoyska Km4 ee magaalada Muqdisho.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in dadka dhinta ay u badan yihiin shacab, maadaama xiliga weerarka uu dhacay ay mashquul aheyd nawaaxiga CID.

Dadka dhintay waxaa ku jira sadex-ruux oo dhaawac ahaan loo geeyey isbitaalada ku yaala magaalada Muqdisho.

Wasiirka amniga taliyaha booliska iyo saraakiil kale ayaa gaaray halka weerarka uu ka dhacay, iyaga oo qiimeyn ku sameynayey sida weerarka uu u dhacay iyo qasaaraha ka dhashay.

maleeshiyada weerarka soo qaaday oo afar ahaa labo kamid ah ayaa is qarxiyey, halka labada kale ay toogteen ciidamada amaanka oo u diyaarsanaa kahortaga dhagarta cadowga, iyada oo aanu suura galin qorshihii ay damacsanaayeen.

Dadka dhintay oo shacab u badan waxaa badankood qasaaruhu uu gaaray xili ay marayeen afaafka hore ee CID, maadaama wadada hormarta xarunta dambi baarista ay tahay meelaha ugu mashqulka badan Muqdisho.

Idaacadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed 
Somali National Army Radio 
Mugadisho-Somalia .



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip