Aqoonyahan Abdiaziz Amalo Oo Bogaadiyay Maalgashi Dalka Lagu Sameeyo

0
Thursday July 28, 2016 - 13:52:18 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1599
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqoonyahan Abdiaziz Amalo Oo Bogaadiyay Maalgashi Dalka Lagu Sameeyo

    iyadoo wadanka uu ka jiro maalgashi fara badan oo bilicda magaalada muqdisho kor u qaaday ayaa waxaa bogaadiyay maalshiga lagu sameyanayo dalka Aqoonyahan Abdiaziz Hassan Amalo Giyaajo, isagoo sheegay in muhiim ay tahay dib u dhis iyo maalgashi lagu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

iyadoo wadanka uu ka jiro maalgashi fara badan oo bilicda magaalada muqdisho kor u qaaday ayaa waxaa bogaadiyay maalshiga lagu sameyanayo dalka Aqoonyahan Abdiaziz Hassan Amalo Giyaajo, isagoo sheegay in muhiim ay tahay dib u dhis iyo maalgashi lagu sameeyo dalka shaqooyin loo abuuro dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhamaanaya badaha iyo saxaraha aduunka.

Siyaasiga Abdiaziz Hassan Amalo Giyaajo oo ah dhaqaalyahan maalgashi badan ku sameeyay dalka iyo guud ahaan qaarada Africa ayaa waxa uu xusay in xoojinta dowladnimada ay ku jirto in laga faa'ideysto aqooyahanada Soomaaliyeed dadkuna gacmaha ay is qabsadaan.



Mr Abdiaziz oo ku sugan magaalada Beledweyen oo uu kaga qeyb galay caleema saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo laba maalin ka hor lagu caleema saaray ayaa halkaasi kula kulmay salaadiinta dhaqanka ee caleema saarkaasi ka qeyb galay kuwaasi oo ka kala yimid deegaanada iyo degmooyinka guud ahaan 18 gobol ee dalka, iyadoo aqoonyahanka uu kala hadlay salaadiinta sida muhiimka ay u tahay ka wada shaqeynta iyo soo celinta karaamada iyo sharafta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.


Ugu Dambeyntii Aqoonyahan  Abdiaziz Hassan Amalo Giyaajo oo sii  hadlay ayaa sheegay in uu wax badan kala shaqeyn doono horumarinta caruurta agoonta ee lagu xanaaneeyo xarunta agoonta ee ugaas Khaliif magaalada Beledweyne ee uu booqday islamarkaana uu ugu deeqay joodariyaal caruurtaasi taasi uu sheegay in hor dhac ay u tahay garab istaag uu doonayo in uu garab itaago caruurtaasi agoonta.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip