Wasiirka Difaaca Soomaaliya Iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ka tacsiyeeyay geeridii Gen. Caarre

0
Monday July 25, 2016 - 12:32:34 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 866
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Difaaca Soomaaliya Iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ka tacsiyeeyay geeridii Gen. Caarre

    Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Maxamed Adem Axmed ayaa ka tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid allaha u naxariistee Sareeye Guuto Cabdiraxmaan w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Maxamed Adem Axmed ayaa ka tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid allaha u naxariistee Sareeye Guuto Cabdiraxmaan warsame Cilmi (Gen. Caarre) oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho. Waxana ay xuseen in Generaalku ahaa wadani muujiyay karti iyo howlkarnimo mudadii dheereyd ee uu ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Mudane Diini waxa uu ku tilmaamay allaha u naxariistee Generaal Caarre nin waqti badan oo noloshiisa ka mid ah ku bixiyay sidii ay amni iyo kala dambeyn u heli lahaayeen dadka iyo dalka Soomaaliyeed taasoo ugu dambeyn isagoo ummadiisa u adeegayo uu alle oofsaday.

Allaha u Naxariistee Gen.Caarre ayaa muddo dheer kamid ahaa Ciidanka Xoogga dalkaSoomaaliyeed, isagoo kamid ahaa saraakiishii doorka muuqda ka soo qaatay dhismaha Ciidanka iyo dib-u-dhiska dalka.

ugu danbeyntii wasiir diini ayaa tacsi u diray qoska marxuunka iyo dhamaan umada soomaaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip