Cabdiwali Gaas oo Bogaadiyay Ciyaaraha Ka Socda Gobolka Banaadir

0
Sunday July 24, 2016 - 14:08:47 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 913
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdiwali Gaas oo Bogaadiyay Ciyaaraha Ka Socda Gobolka Banaadir

    Madaxweynaha Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa bogaadiyey ciyaaraha xiisaha badan ee ka socda Muqdisho, isagoona sheegay in uu u rajeynayo in koobkaasi uu ka soo degi doono Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa bogaadiyey ciyaaraha xiisaha badan ee ka socda Muqdisho, isagoona sheegay in uu u rajeynayo in koobkaasi uu ka soo degi doono Puntland.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in ciyaaruhu ay qeyb weyn ka qaataan isdhex galka bulshada iyo nabada, sidoo kalena dhalinyarada ay ka maaweeliyaan falalka xun xun, sida Maandooriyaha iyo Tahriibka.

"Hambalyo iyo bogaadin ayan u dirayaa xulka kubbadda cagta Puntland oo guul weyn ka soo hooyey ciyaartii  ay la galeen xulkii ku ciyaarayey magaca Hiiraan iyo Shabaeellada Dhexe,  iyo kii horey ay ula ciyaareen Banaadirā€¯Ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Waxa uu u rajeeyey in dhamaadka ciyaarta ay koobka soo qaadi doonaan kooxda  kubada cagta Puntland, islamarkaana koobka laga soo dajin doono magaalada Garoowe.

Maalinta Isniinta ah ayaa la filayaa in ciyaar xiiso badan ay dhexmarto ciyaaryahanada kala matalaya Puntland iyo Jubbaland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip