Wafdi uu Hogaaminayo Mahad Cawad oo Gaaray Baladweyne

0
Sunday July 24, 2016 - 14:02:19 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 855
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdi uu Hogaaminayo Mahad Cawad oo Gaaray Baladweyne

    Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa goor dhow gaaray magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa goor dhow gaaray magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdigan oo u badan Xildhibaano ayaa ka qeyb galaya Xaflada caleema saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo lagu wado in maalinta berri ay dhacdo.

Diyaar garowga xaflada caleema saarka ayaa si weyn uga socota magaalada Beledweyn, iyadoo magaalada ay ku qul qulayaan wafuud isugu jirta siyaasiyiin, Wasiiro, Xildhibaano, odayaal dhaqameedyo, Guddoomiyeyaal hore iyo marti sharaf kale.

Ammaanka magaalada Beledweyn ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana la magacaabay Guddi ka shaqeynaya xaflada caleema saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa bedelaya walaalkiis Ugaas C/raxmaan oo horaantii bishii Janaayo ee sanadkan ku geeriyooday magaalada Beledweyn.

Beesha Xawaadle ayaa isku raacday in Ugaas Xasan loo caleema saaro ugaas beesha, inkastoo warar horay u soo baxayay ay sheegayaan in loo boqri lahaa xilkaas wiil uu dhalay Ugaas C/raxmaan.

Caleema saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo Ugaaska iyo odayaal ku fikir ah ay ka soo hor-jeedaan qaabka loo wado shirka maamul u sameynta Hiiraan/Shabeellaha Dhexe, isla markaana horay u qaadacay shirka Jowhar.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip