Howlgalo Al-shabaab lagu soo qabtay oo laga sameeyay Gobolka Shabellaha Hoose

0
Friday July 22, 2016 - 06:32:17 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 966
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Howlgalo Al-shabaab lagu soo qabtay oo laga sameeyay Gobolka Shabellaha Hoose

    Howlgal ay si wadajir ah isaga kaashadeen Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa ka dhacay xalay deegaan lagu magacaabo Buur-koy oo ka tirsan gobolka J/hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgal ay si wadajir ah isaga kaashadeen Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa ka dhacay xalay deegaan lagu magacaabo Buur-koy oo ka tirsan gobolka J/hoose.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Joe Kibet oo la hadlay wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in ay howlgalkaasi qasaare ballaaran ugu gaysteen Maleeshiyaadka Al-Shabaab, islamarkaana ay ka dileen saddax argagixiso oo ka tirsan kooxdaasi.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri " Ciidamadeenna oo  ay isgarabsanayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya  ayaa si xeeladaysan u Qorsheeyay Fulinta iyo ku guulaysiga howlgalkaasi, waxaanan sii wadi doonaa in aan ka ugaarsanno goob kasta oo ay ku sugan yihiin nabad diidka hor taagan Mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed”

Muddooyinkan danbe waxaa socday howlgallo ka dhan ah Maleeshiyaadka Al- Shabaab, kuwaasi oo ujeedadoodu tahay in dalka looga sifeeyo haraadiga wali ku dhuumaalaysanaya qaar ka mid ah gobollada dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip