Wasiirka Cadaaladda oo Dhagax Dhismaha Dugsi wax lagu barayo Maxaabiista (Sawirro)

0
Wednesday July 20, 2016 - 15:16:13 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 925
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Cadaaladda oo Dhagax Dhismaha Dugsi wax lagu barayo Maxaabiista (Sawirro)

    Dugisga Xabsiga Dhexe ee Xamar waxaa loogu talo galay in ay wax ku bartaan maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe Maanta ayaana la dhagax dhigay Dhismihiisa , waxaana taliska ciidamada Asluubta Soomaaliyeed oo gacanta ku haya xabsiga uu ku micneeyey tala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dugisga Xabsiga Dhexe ee Xamar waxaa loogu talo galay in ay wax ku bartaan maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe Maanta ayaana la dhagax dhigay Dhismihiisa , waxaana taliska ciidamada Asluubta Soomaaliyeed oo gacanta ku haya xabsiga uu ku micneeyey talaabadan mid kaalin ka qaadaneysa dhaqan celinta iyo waxbarida maxaabiista.

Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya Mudane C/laahi Axmed Jaamac oo dhagax dhigay dugsigan, waxaa wehlinayey oo munaasabada goob joog ahaa taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed General Bashiir Maxamed Jaamac, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaran Dr Axmed Cali Daahir, iyo Suldaan Maxamed Siciid oo ah ganacsadaha Soomaaliyeed ee fulinaya howshan.

Ugu horeyn Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac oo halkaasi kahadlay ayaa sheegay in dugsigan uu noqon doono mid wax lagu baro maxaabiista laguna dhaqan celiyo.

"Dugsigan waxa uu noqonayaa mid ay wax ku bartaan maxaabiista, waxaana lagu kala qiimeyn doonaa heerka ay gaarsiisan tahay aqoontooda”Ayuu yiri Generaal Bashiir Goobe.

Suldaan Maxamed Siciid oo ah ganacsadaha Soomaaliyeed ee maalgalinaya dhismaha dugisga xabsiga dhexe ee Xamar oo isna goobta kahadlay ayaa Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ku amaanay dadaalkooda oo wax badan kusoo kordhiyey Maxaabiista.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa talaabo wanaagsan ku tilmaamay in halkii la ciqaabi lahaa oo kaliya wax la baro maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar.

"Waa arin wanaagsan runtii in halkii la ciqaabi lahaa maxaabiista wax la baro, taas ayaa ah mid dhaqankooda wax ka badalaya”sidaasi waxaa yiri xeer ilaaliyaha qaranka.

Ugu dambeyn Wasiirka wasaarada Cadaaladda Soomaaliya Mudane C/laahi Axmed Jaamac (Ilka Jiir) ayaa ganacsatada kale ku booriyey in ay muujiyaan doorkooda isagoo u mahad celiyey ganacsadaha maal galinaya howshan iyo Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

"Wuu mahadsan yahay Suldaan Maxamed Siciid oo ah ganacsadaha fulinaya howshan iyo waliba taliska oo dadaalay, waa arin muujineysa sida taliska iyo dadka Soomaaliyeedba ay u garab taagan yihiin maxaabiista”Ayuu yiri wasiirka.

—Dhamaad—

—Xafiiska Warfaafinta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed—


Mahadsanidiin

DSCF6833

DSCF6835

DSCF6837

DSCF6839

DSCF6841

DSCF6842

DSCF6844

DSCF6845

DSCF6847

DSCF6848

DSCF6849

DSCF6851

DSCF6853

DSCF6854

DSCF6855

DSCF6857

DSCF6858

DSCF6859

DSCF6860

DSCF6861

DSCF6862

DSCF6864

DSCF6865

DSCF6867

DSCF6869

DSCF6872

DSCF6873

DSCF6875

DSCF6879

DSCF6880

DSCF6881

DSCF6885

DSCF6887

DSCF6888

DSCF6890




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip