Saraakiil Muqdisho Lagu dhaariyay+Sawiro

0
Monday July 18, 2016 - 11:01:58 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1024
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil Muqdisho Lagu dhaariyay+Sawiro

    Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid, Xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda, Diblumaasiyiin, Saraakiil Ciidan iyo Masuuliyiin tirsan Howlagalka nabad ilaalinta Midowga Afrika AMISOM, ayaa maanta ka qeybgalay Munaasibad lagu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid, Xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda, Diblumaasiyiin, Saraakiil Ciidan iyo Masuuliyiin tirsan Howlagalka nabad ilaalinta Midowga Afrika AMISOM, ayaa maanta ka qeybgalay Munaasibad lagu dhaarinayay Saraakiil Cusub oo ku soo biiray Ciidamada Booliska Soomaaliya, oo ka dhacday Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Saraakiisha La dhaariyay oo dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud uu tababar u soo xiray, ayaa ka soo baxay Jaamacado kala duwan oo ku yaalla gudaha iyo dalka Dibaddiisa.

Taliyaha Ciidamada Booliska ayaa R.wasaaraha iyo Masuuliyiinta ku sugneyd Xafladda Warbixin ka siiyay Saraakiisha la dhaariyay iyo tababarkii la siiyay, wuxuuna sheegay in dhawaan la dareemi doono waxa ay ka badalaan shaqada Booliska Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa Ammaanay shaqada wanaagsan ee uu booliska Soomaaliyeed ku soo kordhiyay Gen Maxamed Sh Xaamud, isagoo sidoo kalana Saraakiisha Cusub Ee Booliska ku soo biiray ku boorriyay in ay si daacad ah ugu adeegaan dalkooda iyo dadkoodaba.

IMG_8923IMG_8932IMG_8934IMG_8935IMG_8939IMG_8950IMG_8952IMG_8953IMG_8955IMG_8957IMG_8958IMG_8959IMG_8960IMG_8963IMG_8964IMG_8973IMG_8974IMG_8976IMG_8977IMG_8979IMG_8981IMG_8987IMG_8990IMG_8991IMG_8992IMG_8994IMG_8996IMG_9001IMG_9004IMG_9006IMG_9009IMG_9010IMG_9012IMG_9020IMG_9026IMG_9031IMG_9034IMG_9036IMG_9040IMG_9046IMG_9049IMG_9053IMG_9056IMG_9057IMG_9060IMG_9062IMG_9068IMG_9070IMG_9084IMG_9089IMG_9093IMG_9103IMG_9106IMG_9108



IMG_9114IMG_9117IMG_9118IMG_9124IMG_9130

Sawir qaade C/waaxid Axmed Geedi


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip