'''Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo Muqdisho Tababar ugu soo Xeray Cutubyo ka Tirsan Kumaandooska Soomaaliya'''

0
Sunday July 17, 2016 - 13:26:26 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1061
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '''Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo Muqdisho Tababar ugu soo Xeray Cutubyo ka Tirsan Kumaandooska Soomaaliya'''

    Ra'iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa tababar ugu soo xiray magaalada Muqdisho, cutubyo katirsan ciidanka Kumaan-dooska Soomaaliya, gaar ahaana guutada Danab Ee Qeybta ka ah Ciidanka Xoogga Dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa tababar ugu soo xiray magaalada Muqdisho, cutubyo katirsan ciidanka Kumaan-dooska Soomaaliya, gaar ahaana guutada Danab Ee Qeybta ka ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Munaasabad balaaran oo ka dhacday Dusiga tababarka Ciidanka Xoogga Dalka Somaaliya ee Generaal Dhaga Badan ayaa waxaa ka qeyb galay Reysal wasaaraha Xukumada Fadareelka soomaaliya oo ay wehliyaan qaar ka mid Golahiisa Wasiirada Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Saraakiil ka socday Ciidamada Amisom iyo Imaaraadka Carabta

Tababarkan ayaa mudo uga socday ciidanka, waxaana bixinayey tababarka inta uu socday Imaaraadka Carabta, iyadoo cutubyada kamid noqonaya Kumaan-dooska ay u diyaarsan yihiin difaacida dalka, iyo beegsiga cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al-shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Gaas Maxamed Aadan Axmed iyo Abaan Duullaha Xoogga Dalka Soomaaliya S/Guuto Cali Baashi Xaaji Maxamed oo Munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in Ciidankaan ee ka qeyb qaadan doonaan Howlgalada Cadowga looga saarayo qeybo ka mid ah Dalka

Wasiirka Gaashaandhiga Xukumada fadareelka Soomaaliya Mudane C/qaadir Sh Cali Diini ayaa Tilmaamay in Ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka soomaaliya ee sameyaan Howlgalo qorsheysan waxa uuna Xusay in Howlgalo badan ee ka sameeyeen Qeybo ka Mid ah Gobolada dalka ee ku dileen Horjogayaal iyo maleyshiyaad ka tirsan Al-shabaab

Ra,iisul wasaaraha dalka mudane Cumar C/rashiid oo soo xiray tababarka ayaa halkaasi kula hadlay ciidanka, waxaana marka  hore uu ugu hambalyeeyey tababarka ay dhameysteen.

Mudane Cumar C/rashiid ayaa ciidanka u jeediyey in si wadaninimo ay kujirto ay u gutaan waajibaadkooda, islamarkaana ay difaacaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed. 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip