Gaashaanle Axmed Jiinow Xasan oo ka war bixiyay Shir ay kaga qeyb galeen Dalka Ethiopia

0
Sunday July 17, 2016 - 12:21:10 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaashaanle Axmed Jiinow Xasan oo ka war bixiyay Shir ay kaga qeyb galeen Dalka Ethiopia

    Shir looga hadlaayay "Sida xogta la xiriirto dimbiyada ay geystaan kooxaha ARGA-GIXISADA loogu badalo Cadeyn Maxkamadda horteeda".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir looga hadlaayay "Sida xogta la xiriirto dimbiyada ay geystaan kooxaha ARGA-GIXISADA loogu badalo Cadeyn Maxkamadda horteeda".

Shirkan waxa soo qaban qaabiyay xafiiska IGAD uqaabilsan dhinaca ammanka , waxaana ka qeyb galayay dowladaha ku midoobay urur gobaledka IGAD sida Somalia Ethiopia kenya Jabuuti suudaan Ugandha iyo Tanzania oo qeyb ka ah barig Africa, Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa dowladda kale oo iyagne soo dirsaday khubaro ku xeel dheer sida USA iyo UK.

Somalia waxaA kaga qeyb galay saraakiil ka socotay Garsoorka ciidamada qalabka sida, waxaana kamid ah xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Gaashaanle Ahmed Jiinow Xasan waxa uuna uga war bixyay warbaahinta dowladda wax yaabaha gaarka ah Somalia la tagtay iyo wax yaabaha dheeradka ah oo ay k soo faa’ideen waxa uuna sheegay inay aad dhankooda loo amanay madam ay somalia kamid tahay marka loo fiiriyo wadamada IGAD wadanka aad ula dhaqmo dambiyda Arga-gixisada.

"Saddax maalin ayuu soconayay shirkan waxaana ka la tagnay sida aan ula dhaqano kiisaska arga-gixisada runtii wax badan ayaan ka soo faa’idnay sidaas oo ay tahayne wax badana ayey inagane naga faa’ideen waana mid kamid ah wax yaabaha aan la xiriirino xirfadaheenna sidoo kale waxaan isla garanay in la iska caawiyo kiisaska nuucaas ah wadamada aan ku midownay Urur Gobaleedka IGAD” ayuu usheegay warbaahinta dowladda Gaashaanle Axmed Jiinow Xasan.

Ugu dambeyn saraakiisha ka socotay dowladda somalia ayaa dalka Ethiopia jogay muddo sadax cisha ah iyago ugu dambeyn dalka dib Ugu soo laabtay, Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa qaado kiisaska la xiriiro Arga-gixisada ah ee Alshabaab iyo dacwada la xiriiro qaladaadka ka dhex dhaca Ciidamada Qalabka sida Ee Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip