Madaxweynaha oo sheegay haweenka Soddon Boqolkiiba, ee ka heli donaan Baarlamaanka cusub

0
Friday July 01, 2016 - 12:21:36 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 861
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo sheegay haweenka Soddon Boqolkiiba, ee ka heli donaan Baarlamaanka cusub

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabadda 1-da Lulyo awgeed ubax dhigay taallada Daljirka Dahsoon, isagoo halkaasi kul;a hadlay dadweyne farabadan oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabadda 1-da Lulyo awgeed ubax dhigay taallada Daljirka Dahsoon, isagoo halkaasi kul;a hadlay dadweyne farabadan oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa ummadda Soomaaliyeed mar kale ugu hambalyeeyay munaasabadda 56 guurada ka soo wareegtay markii uu dalkeenna madaxbanaanida ka qaatay gumeystihii talyaaniga, isagoo ka hadlay taariikhda halgankii dheeraa ee loo soo galay madax bannaanida dalkeena.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa ku boorriyay odayaasha dhaqanka ee soo xulidoona xildhibaannada baarlamanka iney xaqiijiyaan qoondada haweenka ee ah Soddon Boqolkiiba, isagoo tilmaamay in haweenka Soomaaliyeed ay kaalin wax ku ool ah ka soo qaateen halgankii gobanimaddoonka islamarkaana ay sidoo kale ay hormuud u yihiin nolosha qoysaska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ummadda Soomaaliyeed kula taliyay in ay gacan ka geystaan ammaanka dalka ayna ciidamada kala shaqeeyaan ka hortagga maleeshiyaadka argagixisada ah ee Shabaab, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Shabaab laga adkaan doono haddii ay bulshadu usoo jeesato iney ciidamada kala shaqeeyaan sugidda amniga dalka.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip