Xafladda Calan Saarka 26 Juun Oo Caawa Muqdisho Lagu Qabtay

0
Sunday June 26, 2016 - 11:38:23 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1027
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xafladda Calan Saarka 26 Juun Oo Caawa Muqdisho Lagu Qabtay

    -Munaasabad lagu xusayay 56 guurada ka soo wareegatay markii calan Soomaaliyeed laga taagay dhul Soomaaliyeed, isla markaana gobollada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriirka, ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynah Jamhuuriyadda Federaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

-Munaasabad lagu xusayay 56 guurada ka soo wareegatay markii calan Soomaaliyeed laga taagay dhul Soomaaliyeed, isla markaana gobollada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriirka, ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynah Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra'iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakisha ciidanka qalabka sida, maamulka gobolka Benaadir iyo marti sharf kale.

Xafladda oo si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa fanaaniinta Hobollada Qaranka Waaberi, waxa ay madashada ku soo bandhigeen suugaan ka hadlaysa todobaadka xoriyadda.

Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii dhexe ee dalka ayaa sheegay in munaasabadaan ay qiimo weyn ugu fadhido guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska  Maxamed Cabdi Xayir Maareeya oo ahaa hormuudkii soo qaban qabaiyay munaasabadan oo ka hadlau goobta ka jeediyay ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed looga baahanyahay inay ka shaqeeyaan midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka  Xukuumadda Somaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeyay munaasabadda 26-June, isagoo  tilmaamay in Ummadda Soomaaliyeed ay  u midoobaan sidii ay u hanan layaaeen amniga dalka.

Madaxweynah Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn Ummadda Somaaliyeed ugu hambalyeeyay 56 guuradii ka soo wareegtay markii gobolada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska.

"Caawa iyo muhiimadda ay leedahay xafladan waa laga hadlay, Ra’iisul wasaare ku-xigeenkuna wuu ku mahadsanyahay sida uu noogu taabtay taariikhda loo soo maray maanta oo kale, Sooamaaliya, 1960-kii calanka caawa oo kale la taagay isago xor ah waa arrin farxad leh inaan xusno”ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahaynayay in bulshada Soomaaliyeed ay la yimaadaan garowshiyo ku aadan dhibta walaalaha waqooyi gaaray, xoogana la saaro ka shaqeynta midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

"Waxbaa naga qaldamay, wixii naga qaldamay inaan saxno unbaa diyaar u nahay, mana rabno qalad horey u dhacay, markale inay soo laabato, waxaana diyaar u nahay inaan ka wada shaqeyno midnimada Ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya oo hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay "SOOMAALIYA HA ISRAACDO, SOOMAALIYA HA MIDOWDO, SOOMAALIYA WAY NOOSHAHAYE LAAKIIN WAXAAN LEENAHAY HA MIDOWDO OO HA IS RAACDO”

IMG_2996IMG_2983IMG_2949IMG_2951IMG_2956IMG_2959IMG_2973IMG_2974IMG_2980IMG_2982IMG_2984IMG_2987IMG_2990IMG_2998IMG_3006IMG_3008IMG_3014IMG_3016IMG_3019IMG_3020IMG_3024IMG_3026IMG_3031IMG_3033IMG_3035IMG_3036IMG_3042IMG_3006IMG_3008IMG_3011IMG_3050IMG_3052IMG_3057IMG_3060IMG_3061IMG_3062IMG_3064IMG_3065IMG_3067IMG_3069Sawir Qaade:- Maxamed Cabdiweli Maxamed



 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip