Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya '''Hadii Amisom Soomaaliya ka baxaan Waxaa la helayaa Ciidamo Soomaali ah oo suga Amniga Dalka ''

0
Friday June 24, 2016 - 13:35:51 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1112
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya '''Hadii Amisom Soomaaliya ka baxaan Waxaa la helayaa Ciidamo Soomaali ah oo suga Amniga Dalka ''

    Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed oo howlo shaqo ugu maqnaa dalalka Kenya iyo Uganda, isla markaana uu kaga qeybgalay shirar looga hadlayay arrimaha ciidamada ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaana garoonka diyaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed oo howlo shaqo ugu maqnaa dalalka Kenya iyo Uganda, isla markaana uu kaga qeybgalay shirar looga hadlayay arrimaha ciidamada ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa shir guddoomiyay shirka taliyeyaasha ciidamada xoogga ee dalalka Afrika, kaasi oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, loogana hadlayay qodobo ay ka midyihiin isbadalka howlwadeenada shirkaasi sida uu Warbaahinta Qaranka u sheegay Taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Shir looga hadlayay waqtiga ay dalka uga baxayaan ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, iyo sida ciidamada xoogga dalka ay ugu diyaar garoobayan inay la wareegaan guud ahaan Nabadgelyada dalka ayuu Taliyaha Ciidanka xoogga dalka uga qeb galay dalka Uganda, kaasi oo ay isugu yimaadeen saraakiil ka tirsan ciidanka AMISOM iyo mas’uuliyiin ka socotay dalalka taageera ciidanka AMISOM.

Taliyaha Ciidanka xoogga Soomaaliyeed oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay diyaar u yihiin la wareeggidda guud ahan amniga, isla markaana uu ku rajo weynyahay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip