Taliska ciidanka Asluubta oo qorsheynaya qalabeynta xabsiyada dalka "SAWIRRO"

0
Friday June 24, 2016 - 10:41:18 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 935
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska ciidanka Asluubta oo qorsheynaya qalabeynta xabsiyada dalka "SAWIRRO"

    Xabsiga Weyn ee Magaaladda Baydhabo oo hadda ay ku jiraan Maxaabiis fara badan oo ku Xukuman Dambiyo kala duwan, qaarkoodna garsogayaal ah ayaa Nolosha Xabsigaasi waxa ay tahay mid iska caadi, inkastoo ay jiraan daruufo hadane Maxaabiista Noloshooda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xabsiga Weyn ee Magaaladda Baydhabo oo hadda ay ku jiraan Maxaabiis fara badan oo ku Xukuman Dambiyo kala duwan, qaarkoodna garsogayaal ah ayaa Nolosha Xabsigaasi waxa ay tahay mid iska caadi, inkastoo ay jiraan daruufo hadane Maxaabiista Noloshooda ma aha mid liidata .

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa dadaal dheer ugu jira in is badal weyn lagu sameeyo Nolosha Maxaabiista Xabsiyada Dalka ku xiran iyadoo la Raacayo Oraahdii Aheyd.

"Xabsiyadeena ma Noqon doonaan kuwa lagu ciqaabo Maxaabiista ee waxa ay Noqon doonaan Xarumo lagu Dhaqan celiyo waxna lagu Barro Maxaabiista "ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac markii uu la Wareegay Hoggaanka Taliskaasi .

Hadaba Wajigii koowaad ee Qorshahaasi ayaa Noqday in isbadal weyn lagu sameeyey Xabsiga dhexe ee Xamar oo markii hore Maxaabiista ku xiran ay ku jireen Xaalad adag, waxaana markii ugu horeysay Xabsigaasi laga hirgaliyey in Maxaabiista ay ku seexdaan Sariiro Casri ah iyo in Qol walbo oo Xabsiga dhexe ka mid ah lagu xiray Qaboojiyaal iyo Talafashino ay kala socdaan Maxaabiista Ciyaaraha iyo Wararka Gudaha iyo Dibadaba waxaana sidoo kale Xabsiga dhexe ee Xamar gudahiisa laga hirgaliyey Warshad Farsamada Gacanta lagu barro Maxaabiista oo soo saareysa Agabka guryaha , Qalab xafiiseedka , Qoryaha Ciidanka Salaanta ay ku qaataan iyo Kuraasta Jaamacadaha Arintan oo noqotay mid ay u riyaaqaan BulshadaSoomaaliyeed.

Sidoo kale Xabsiga weyn ee Gobolka Baay ayaa waxaa dhawaan socdaal shaqo ku tegey taliye ku-xigeenka labaad ee ciidanka Asluubta Sareeyo Guuto Cilmi Waasuge Colow iyo saraakiil ciidan, waxaana uu halkaasi gaarsiiyay qalab ay ka mid ahaayeen Sariiro ,Qalab Xafiiseed, iyadoo Qorshaha xiga uu noqon doonno in Talafashino iyo Qaboojiyaal lagu xiro Qolalka uu ka kooban yahay Xabsiga Magaalada Baydhabo sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Maxamed Jaamac .

Gen. Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in Qorshahoodu uu yahay dhamaan Xasbiyada Dalka oo idil in laga badalo qaabka ay u shaqeeyaan iyadoona Hiigsiga uu yahay in Xabsiyada dalka ay Noqdaan Jaamacado wax lagu Barro Maxaabiista oo markii uu kasoo baxo Maxbuuska uu yahay Aqoon yahan Dadka kale wax u faa’iideyn kara .

Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee KM7 ayaa hadda waxaa ka socda oo Heer dhex dhexaad ah maraya Dhismo Xabsi ah oo loo dhisayo qaab casri ah waxaana uu yeelan doonnaa Xabsigan Cusub Qolal Casri ah ,Goobo wax barasho , Maxakamadaha Xarumo ay ku shaqeeyaan ,Goobo Maxaabiista ay ku ciyaaraan Ciyaaraha Kubada Noocyadeeda kala duwan IWM waxaana Qorshahan uu qeyb ka yahay Isbadalka Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac uu ugu jiro in lagu Hormariyo Xabsiyada Dalka



 

221a2f11-8816-4957-9a1c-a4aecec1bae1

7f09d4fc-b999-46d7-be22-3765ebac444f395f2ee4-c42c-4ef5-b0f6-bdb5024382069142c8a3-c6ae-4a48-80bc-534a3da47602b8d98c9b-74fc-478a-8ac5-7287e3a832ffbb28dd8b-38e7-4d92-bc9f-65a727805a65d518c1e5-2b53-4aaf-adb5-ecbdb075b153

860b01c7-5014-48fd-9372-8b68dfc85d72

DSCF6261DSCF6262DSCF6263

DSCF6366

9d2bfddd-12c5-4a2f-8d16-af5ebf0d8d0f

f2de3859-71ec-4c83-8f9a-1a667fe932b6

d1e414c7-363f-443f-9df4-ea2f3c193fc6

-----Dhamaad------

Sawir qaade:-C/raxmaan Gacan

Xafiiska Qeybta Warfaafinta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Mogadisho-Somalia .


 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip