Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Oo Gaaray Magaalada Beydhabo Ee Maamulka Koofur Galbeed.

0
Tuesday June 21, 2016 - 20:49:29 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1108
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Oo Gaaray Magaalada Beydhabo Ee Maamulka Koofur Galbeed.

    Wafdi uu hoggaaminayo Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo maanta gaaray magaalada beydhabo ee caasimada maamulka koofur galbeed ayaa qeyb ka ahaa wafdiga madaxweynaha koofur galbeed ee Soomaaliya uu ku soo dhaweeyay magaalada Beydhab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hoggaaminayo Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo maanta gaaray magaalada beydhabo ee caasimada maamulka koofur galbeed ayaa qeyb ka ahaa wafdiga madaxweynaha koofur galbeed ee Soomaaliya uu ku soo dhaweeyay magaalada Beydhabo.

Wafdiga uu hoggaaminayo Taliye ku Xigeenka ayaa markii ay ka degeen Garoonka Diyaaradaha ee magaalada beydhabo waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Taliayaha Qeybta Ciidanka Asluubta Ee Gobolka Bay iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka iyo masuuliyiinta maamulka koofur galbeed waxaana wafdiga loo galbiyaya xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Ay Ku leeyihiin Gobolka Bay.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guuto Guuto Cilmi Waasuge Colaw ayaa waxa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Ee Qeybta Gobolka Bay.

Taliya Xigeenka Ciidanka Asluubta iyo saraakiisha kale ee la socotay ayaa kormeerey xabsiga weyn ee magaalada Baydhabo halkaas oo ay kula kulmeen saraakiisha Qeybta Ciidanka Asluubta Ee Gobolkaasi.

Waxa uu halkaasi warbixino kaga dhageystay Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Saraakiisha Ciidanka Asluubta Qeybta Gobolka Bay.

Ujeedka wafdiga ayaa ahaa sidii ay u ogaan lahaayeen xaalada ay ku suganyihiin Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Ee ka howl-gala Gobolka Bay iyo sidii wax loogu qaban lahaa maxaabiista ku xiran xabsiga magaaladaasi oo ay gacanta ku hayaan Ciidanka Asluubta.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa tan iyo markii loo magcaabay xilka Hoggaaminta Taliskaasi waxa uu isbadal ku sameeyay dib u dhiska iyo tababarada ciidanka asluubta soomaaliyeed iyo sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta ciidanka.

Waxaa kale oo uu isbadal muuqda ku sameeyay xaaladii nololeed oo ay ku sugnaayeen maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdhisho oo ay gacanta ku hayaan ciidanka asluubta soomaaliyeed

iyo xanaaneynta ubadkii ku dayacnaa wadooyinka magaalada muqdisho oo isugu jiray caseeyayaal iyo kuwa xabagta ama koolada ku dhuuqi jiray gidaarada ama hareeraha wadooyinka magaalada muqdisho ku waasoo gabi ahaanba laga ururiyay fiyaalaha magaalad.

Snaradio.net




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip